Dhallinyarada xilalka ka haya xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE, ayaa kulan casuumad sagootin ah la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanka xisbiga ee diyaariyey barmaamij-siyaasadeedka xisbiga iyo qorshayaasha mar labaad xisbal-xaakimku ku doonayo inuu talada waddanka hanto.
Kulankan oo uu sameeyey Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Mr. Axmed Darajo, kana dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa xalay, waxa lagu gorfeeyey xaaladda dalka, siyaasadda xisbiga KULMIYE iyo qorshayaasha hoggaamineed ee xisbiga KULMIYE ku duuli doono mustaqbalka, waxaanna si wayn looga hadlay barmaamij-siyaasadeedka xisbiga iyo arrimaha wax-wadaqabsiga ku salaysan ee bulshada iyo horumarinta Qaranka Somaliland.
Masuuliyiin ka mid ah dhallinyarada ka qaybgalay kulanka oo ay ka mid yihiin; Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Md. Axmed Darajo, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada KULMIYE ee heer Qaran Md. Cabdi Najax Siyaad Aw Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Md. Cumar Sayid, Wasiiru-dawladaha Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamuud Warsame Jaamac, Wasiiru-dawladaha Wasaaradda Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo siyaasiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), kuwaas oo dhammaantood uga mahadceliyey Aqoonyahan Samatar dadaalka uu ugu jiro sidii xisbigu mar labaad u guulaysan lahaa, isla markaana waxay tilmaamo ka bixiyeen xisbiga KULMIYE, guulaha xukuumaddiisu gaadhay muddadii uu xilka hayey iyo xaaladda guud ee waddanka.
Ugu dambayntii, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo khudbad ka jeediyey kulanka, ayaa ka mahadceliyey maamuuska loo sameeyey, isagoo dul istaagay in xisbiga KULMIYE dalka waxqabad muuqda ka hirgaliyey, isla markaana waxa uu tilmaan ka bixiyey ajandayaasha KULMIYE mustaqbalka dlaka ku hoggaamin doono.
Somaliland: Dhallinyarada Xilalka ka haya Xukuumadda iyo KULMIYE oo Kulan Casuumad ah u Sameeyey Prof. Samatar
Date: