Xisbiga KULMIYE Oo Muujiyey Inuu Doorashada Diyaar u Yahay, Labada Xisbi-mucaaridna Ka Codsaday Inay Bulshada u Sheegaan Jacaylka Ay Muddo-kordhinta u Qabaan
Xogo dheeri, ayuu wargeyska Hubaal ka helay kulankii albaabadu uxidhnaayeen ee maalintii shalay dhexmaray guddoomiye-yaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, kaas oo ay soo abaabuleen guddida Doorashooyinka qaranku, isla-markaana lagaga doodayey caqabadaha doorashada hortaagan iyo natiijada safarro ay komishanku deegaanno dalka kamid ah kusoo mareen.
Xogaha aanu hayno, ayaa sheegaya in Kadib markii xubnaha Komishanku badka soo dhigeen tiro caqabado ah oo ay sheegeen inay doorashada hor istaagi karaan, ay saddexda guddoomiye bilaabeen doodo intooda badani isku liddi ahayd oo ay qaarkood caqabadahaas ku taageerayeen, halka kuwa kalena kaga soo horjeedeen, isla-markaana ku jabinayeen doodaha komishanka.
Ugu horrayn sida aanu warka ku helnay waxa hadalka u baxay sarkaal katirsan komishanka oo isagu taxay heerka abaarta dalka ka jirtaa gaadhsiisan tahay iyo sida ay u saamaysay dadkii la doonayey inay doorashooyinka soo socda codeeyaan, waxana uu halkaas soo dhigay tiro-xisaabeed go’an oo uu ku sheegay in guud ahaan dadkii Somaliland goobaheeda miyiga ka codayn lahaa 57%(boqolkiiba toddoba iyo konto) ay ka hayaameen goobihii ay deggenaayeen oo aan la garan Karin meel loogu hagaago, balse waxa doodaas markiiba si fudud u jabiyey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu meel gaaban jawaabta kasoo qabtay.
Guddoomiye Muuse oo isagu quudhsaday cudur-daarka komshanka, ayaa weydiiyey sida ay komishan ahaan ku ogaadeen in tiro intaas le’eg oo dadkii isdiiwaangeliyey ahi hayaan ku maqan yihiin, maadaama aanay samaynin tiro-koob sax ah oo la qaadan karo, marka laga tago inay qiyaas guud qaataan, waxana su’aashaas jawaabteeda oo sax ah waayey xubnihii komishanka, iyada oo ay halkaas ka muuqatay inay dooddaasi jabtay oo aanay tiradaasi ahayn mid sax ah oo la daliishan karo.
Goobtaa xubnaha komishanku kama ay helin wax cad oo ay dooddooda ku difaacaan, waxana intaas wixii ka dambeeyey isku muruxsaday oo dood adagi dhexmartay guddoomiye-yaasha saddexda xisbi oo madasha ku sugnaa, iyada oo dhinac waliba halkaas ka jeediyey dood uu u arkayey inay ku haboontahay marxaladda haatan lagu jiro.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa isagu si cad goobta uga sheegay inay muddo-kordhini lagama maarmaan tahay, isla-markaana loo baahan yahay in xukuumadda talada haysa loo kordhiyo wakhtiga, isaga oo food-saaro ka dhigtay abaarta jirta, isla-markaana daliishanaya warka ay komishanku madasha ka sheegeen.
Eng. Faysal Cali-waraabe, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa isaguna farta ku fiiqay in loo baahan yahay mudd-kordhin cusub, waxana uu xusay inaan doorasho la geli Karin inta xaaladda abaartu jirto, balse muu sheegin sida loo qancin doono cidda Somaliland doorashooyinka ka caawisa oo horeba u diidanayd muddo-kordhintii hore loogu sameeyey xukuumadda.
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu madasha ka akhriyey dood dheer oo uu kaga soo horjeedo inay doorashadu dib u dhacdo, waxana uu si cad u sheegay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumadduba diyaar u yihiin inay doorashada wakhtigeeda ku qabtaan, iyada oo aan laga tegayn caawinta iyo u gargaaridda dadka abaarta ku tabaalaysan oo haatanba gurmadkooda lagu jiro.
Muuse Biixi waxa uu guddoomiye-yaasha saddexda xisbi u sheegay in haddii ay jecel yihiin muddo-kordhinta looga baahan yahay inay qoraal ay arrintaas ku dalbanayaan oo saxeexan sameeyaan, si shacabka iyo bulshada caalamkaba loogu qanciyo in cidda korodhka doonaysaa ay mucaaridka tahay, balse labada guddoomiye waa ay diideen inay arrintaas aqbalaan oo ma ay aqbalin.
Waxa kale oo uu Muuse Biixi Sheegay in komishanka looga baahan yahay inay hawshooda wataan, isla-markaana ay hawsha abaarta iyo qiimaynteedu taallo xukuumadda oo aanay ahayn arrin ay iyagu shaqo ku leeyihiin.
Inkasta oo kulankii shalay ay saddexda xisbi aragtiyo iska soo horjeeda ka muujiyeen, isla markaana labada xisbi mucaarid si toos ah umuujiyeen xiisaha ay u qabaan muddo-kordhin labaad oo loo sameeyo xukuumadda Siilaanyo, haddana waxa kulan labaad oo go’aamo la iskula qaadan doono loo ballamay maalinta Berri ee Isniinta ah, waxana saddexda hoggaamiye laga codsaday inay xogaha komishanku siiyeen la wadaagaan hoggaanka kale ee xisbiyadooda, isla-markaana dib la iskugu soo noqdo.
Rabitaanka muddo-kordhinta ee xisbiyada mucaaridka ayaa noqonaya kii ugu horreeyey taariikhda Somaliland ee xisbiyo mucaarid ahi ku dalbadaan muddo-kordhin, waxase looga baahan yahay in shacabka u sheegaan inay iyagu yihiin kuwa doonaya in doorashada dib loo dhigo.