Somaliland: Faysal Cali Waraabe Oo Dhaliilihii Ugu Adkaa U Jeediyey Wasiirrada Xukuumadda, Hoos-na U Dhigay Khibradda Muuse Biixi Iyo Guddoomiye Cirro

Date:

“Aniguba Intaan Lacag Bixiyo Waan Odhan Karaa Muuse Cabdalle Iyo Reer Samater Ayaa I Soo Galay Laakiin Inan Yarbaa Isoo Gashay Siyaasad Maaha”

“Labada Guddoomiye (KULMIYE iyo WADDANI) Hore Ayaan Idiinku Sheegay Oo Wali Waa Layli Illaa Ay Laba Jeer Dhacaan”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe ahna murashaxa madaxwayne ee xisbigaas oo shalay dalka ku soo laabtay ayaa ka hadlay abaaraha dalka kaa taagan, qabsoomidda doorashada iyo ololaha xisbiga KULMIYE.

Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta garoonka diyaaradaha kula hadlay ayaa waxa uu si gaar ah u dhaliilay wasiirrada xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo uu sheegay inay abaarihii iyo guud ahaan masuuliyaddii qaranka kaga mashquuleen ololaha ay kula jiraan Muuse Biixi, sidoo kalena waxa uu arrin ugub ah ku tilmaamay in guddoomiyaha KULMIYE wasiirro aanu magacaabin uu garab ka dhigto isla markaana uu meel walba u kaxaysto, waxaana uu soo jeediyey in wasiiradaasi xilka tiriyaan ama ay umadda u adeegaan, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi Faysal Cali Waraabe:

Waxaa wax laga xishoodo ah in xisbigii muxaafidka ahaa uu iskaba galo kaambayn kaligii ah waxaan hore u jirin ayaaba soo baxay guddoomiye xisbi oo wasiiro wata oo lagu leeyahay wuxuu hogaaminaya wasiirradii, anagu waxaanu ku naqaanay wasiiro qaranka u shaqaynayee haddii ay iyagu u shaqaynayaan Muuse Biixi waa inay iyagu talada wareejiyaan, waxaa jira laba hab, habka Madaxwaynaha iyo habka baarlamaanka, dee habka Madaxwaynaha waad aragteen oo Maraykanka oo kale marka uu Obama ordayo wasiirradu ma kaambayn gareeyaan habka kale ee baarlamaankana marka ay doorasho timaado wasiirrada waa laka diraa, laakiin inaga waa inoo kow waa caado soo ku soo kordhaysa siyaasadeena oo aad maalinba maalinta ka dambaysa inay sii xumaanayso, oo qaranimadii laga tegayo oo sharcigii laga tagayo, guddoomiye xusbi oo wasiirro aani isagu magacaabin wata waa caado inagu soo baxday, markaa dawladduu haddii aanay ahayn dawlad dalka u shaqaynaysa ee ay tahay dawlad Muuse Biixi u ololaynaysa dee xilka ha isaga tagaan oo agaasimayaashadu ha sii wadaan sida adduunka ka dhacda, waxaa iyana foolxumo ah qabyaaladda intii aan anigu dalkaas joogay inta jeer aan maqlay Subeer Awal iyo intaan Somaliland dadka ka maqlay intaan Subeer Awal ka maqlay ayaa ka badan hadana waxaa soo baxay Garxajis, inaad caytanto iyo inan yarbaa isoo gashay siyaasad maaha, waar maxaad barnaamij haysaa,tacliinta maxaad ka qabanaysaa, biyo ma keenaysaa, ictiraaf ma doonaysa, Ciidagale ayaa isoo galay iyo Sacad Muuse ayaa isoo galay hogaamin maaha, amba dadka intaan soddon kun u qaybiyo waan odhan karaa Muuse Cabdalle ayaa isoo galay iyo reer Samater ayaa i soo galay, waddanku hogaanbuu u baahan yahay dhallinyartu cid wax u qabata ayay u baahan yihiin, waddankani maanta waxa uu u baahan yahay ictiraaf waxa uu baahan yahay horumar iyo shaqo, tacliinteenu hoos bay u dhacday, caafimaadkeena waad ogtahiin, biyihii iyo laydhkii waad ogtihiin, aasaaskii nolosha ayaa inaga maqan, dawladduna waxay u samaysan tahay inay daruuriyaadka ka shaqayso, Muusena sida uu u dhaqmayo waxaad moodaa inay dhaartu uun u hadhsan tahaye kaligii ha ordo ama odayga ha bedelo oo ha iska fadhiisto laakiin anagu waanu shiraynaa lama qabno in la isku wadi karo abaaraha iyo doorashada, “

Geesta Faysal Cali Waraabe ayaa dhallinyarada Somaliland kula taliyey inay mustaqbalkooda ilaashaadaan oo aanay xisbiyada qabyaalad ku kala raacin, isagoo sheegay in dawladnimadu wax walba u keenayso dhallinayarada, sidoo kalena waxa uu weeraray khibradda Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro oo uu ku sheegay inay layli socod barad ah yihiin, waxaana uu yidhi:

“dhallinyarta waxaan leeyahay mustaqbalkiina yaan lagu ciyaarin, qabiil baasaaboor ma bixiyo, waxbarasho ma bixiyo, shaqo ma bixiyo, waddo ma dhiso, qabiilku waxbuu dumiyaa, labadan Guddoomiyena hore ayaan u sheegay oo waa layli ilaa ay laba jeer dhacaana waxba baran maayaan markaa kuwani khatar bay ina galinayaan”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...