Somaliland: Ehellada Dhibanne Shil Ku Galay Tuullada Agamsaha Oo Cabasho Ka Muujiyey Taliyaha Laanta TaraafigaJSL

Date:

Ehellada Dhibanne Shil Ku Galay Tuullada Agamsaha Oo Cabasho Ka Muujiyey Taliyaha Laanta TaraafigaJSL

Waxaa Ay Sheegeen In Aan Taraafigu Sifo Togan Uga Gar-niqin Laba Baabuur Oo  Midi Tukhaan Yahay, Midna Waaraad Yahay Oo Toddobaadkan Isku Dhacay

Baadhitaanka Shil Baabuur oo dhawaan ka dhacay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Gabiley oo ay ku naf waayeen saddex qof iyo qof kalena uu ku dhaawacmay ayaa laanta nabad gelyada wadooyinka ee ciidammada booliska ku dhaliilay qaabka loo waajahay iyo natiijada kiiskan. Shilkan oo

Toddobaadkan ka dhacay tuullada Agamsahaoo ka tirsan gobolka Gabiley isla markaana uu sababaya kadib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo midkood  Waaraad ahaa midka kalena uu aha baabuurta yaryar ee Tukhaanka loo yaqaanno halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof halka mid kamid ah dirawalladii labada baabuurna uu soo gaadhay dhawaac halis ah. Ehellada Dirawalkan Dhaawaca ah oo isagu wade ka ahaa gaadhiga tukhaanka ah ayaa cabasho kamuujiyey qaabka loo waajahay baadhitaanka shilkan oo ay sheegeen in aanu haba yaraaatee waafaqsanayn sharciga, waxaanay arrintaasi u sibir saareen taliyaha laanka nabadgalyada wadooyinka ahna afhayeenka ciidammada Booliska Gaashaanle sare Faysal Xiis, waxaanay sheegeen in Cabdixakiim Mowliid oo ah  wadaha baabuurka Tukhaanka ah uu isaga oo dhaawac halis ahi uu ka soo gaadhay shilkan uu haatan ku xidhan yahay saldhiga  Gabiley isaga oo aan haba yaraatee wax daawayn ah helin. Ehelladan oo xalay lasoo xidhiidhay wargeyska HUBAAL ayaa sheegay  ay ucuntami weyday amar ay tibaaxeen in uu ka yimi taliyaha laanta Taraafiga kaasi oo oo ay ku doodeen in uu xorriyaddiisii u celiyey  baabuurkii Waaraadka ahaa ee ay  isku dhaceen tukhaanka iyo wadihiisiiba iyada oo aan haba yaraatee aan laga gar niqin shilkan iyo cidda khaladka lahayd toona.  Dhibannahan dirawalka ah ayaa ay intaa ku dareen in loo diiday in uu helo daawayn caafimaad halka dirawalkii kale iyo baabuurkiisiiba  ooda laga qaaday.

Waxaanay laamaha sare ee Ciidammada Booliska u direen baaq ay ku codsanayaan in arrintooda hoos loo eego oo wax laga qabto qaddiyadan. Dhinaca kale wargeyska HUBAAL oo xalay isku dayay in uu arrintan wax ka weydiiyo taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka Somaliland Gaashaannle sare Faysal Xiis Weerar ayaanay u  suurto gelin inay helaan kadib markii uu qaadi waayay telefoonkiisa gacanta oo aanu ka wacnay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...