Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharraxay mashaariicda horumarineed ee xukuumadda Kulmiye ka fulisay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
“Waxyaabaha aanu xoogga saarnay waxa ka mid ah xoojinta nabadgelyada gobolka Sool nabadgelyada gobolkana wax badan ayaa u soo kordhay muddadaa,caawa waynagaa halkaa ku cawaynayna inagoo aan cidna ka baqayn oo aanay cidna ina ilaalinayn lix sano ka hor duruufta noocan oo kale ahi may jirin, lamana cawayn karayn way adkayd waxyaabaha sababta u ahaa waxay doonaan ha noqdaane waxaanu xoogga saarnay inaanu nabadda adkayno, waxaan hambalyo u jeedinayaa ciidamada qaranka Somaliland oo door weyn ka qaatay ilaalinta nabadgelyada gobolkan waxa xaqiiq ah bulshada reer Sool wakhtiyadii hore inay dhibsan jireen ciidamada oo dadka markaanu la kulano ay ka sinaayeen ciidamada naga qaada ay odhan jireen,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda oo la hadlayay dhallinyarada gobolka Sool.
Maxamuud Xaashi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas raaciyay, “Fahamkaasi waxa uu ku yimi hab-dhaqankii ciidamada iyo adkayntii nabadgelyada iyo dhexdhexaadnimadii ay ku shaqeeyeen waxay abuurtay in dadku fahmo muhiimada iyo shaqada ay hayaan ciidamadu, aanay ahayn ciidamo u yimi inay qabsadaan ama gumaystaan adeerayaal ma nihin dad is-gumaysan kara inagu ama is-muquuunin kara, siyaasadayadana saldhig uma aha inaanu xoog meel ku qabsano waa laga soo gudbay waxaas horena iskumaynu gumaysan maantana isma qabsan karno, wax baynu wada leenahay waxaas aynu leenahay inaynu wadaagno ayaa dawo ah haddii ciidamada meel uu joogay laga dhaqaajo waayeelka oo dhan ayaa nala soo hadla markay soo dhaafto wasiirka gaashaandhiga madaxtooyo ahaan ciidanka yaan nalaga qaadin ayay yidhaahdaan.”
Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kale oo uu tilmaamay in xukuumadda mashaariic horumarineed ay ka fulisay gobolka Sool, waxaanu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya. “Horumarkana sidaasoo kale wax badan ayaa qabsoomay gobolkan 31 xarumood oo dhisme dawladdeed ah oo kuwa waaweyn iyo kuwo dhexe iskugu jira ayaanu ka fulinay lixdaa sano iyo dhawrkaa bilood gobolka Sool oo kaliya, waxa laga yaabaa inaanay xogogaal ka hayn dadka badankiisu iyo dadka gobolku, waddooyin ayaanu ka samaynay mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ayaa hadda ka socda saddex mashruuc oo waaweyn ayaa gobolkan ka socda, waxa ka socda Cusbitaalkii magaalada oo dib loo balaadhinayo oo la dhisayo oo qalab cusub la keenayo, waxa kale oo ka mid ah dugsigii boodhinka ahaa, waxa kale oo ka mid ah mashruucii biyo-galinta magaalada Laascaanood oo muddo badan biyo macaan loo doonayay, waxaan leeyahay horumarku wuu bilaabmaa ee ma dhaamado waxaananu u baahanahay inaanu halkaa ka sii wadno qorshe balaadhan oo dheer ayaanu samaynay waxa ka mid ah maamul fidin in dawladnimadu gaadho degmooyinka iyo magaalooyinka.”