Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa qorsheeyay inuu buuq geliyo odoroska miisaaniyad sannadeedka qaranka ee 2017-ka oo ay dhawaan xukuumaddu u gudbisay isla markaana dagaal siyaasi ah kula galo dawladda ansixinta miisaaniyada.ka dib markii labadii toddobaad ee u dambeeyay uu wajahay fadeexado la xidhiidha inuu laba kulan qarsoodi ah daboyaaqadii bishii hore kula yeeshay Nairobi Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka mid ah murrashaxiinta u tartamaysa madaxtinimada Soomaaliya.
Shirarkaas qarsoodiga ah oo ray’ul caamka bulshadda Somaliland ka biyo diideen, kuna tilmaameen tallaabo mugdi gelinaysa siyaasadda xisbiga WADDANI iyo hoggaankiisaba.
Guddoomiye Cirro oo guddoominayay fadhigii aqalka Wakiiladda ee Sabtidii todobaadkan, ayaa fadhiga u soo diyaariyay Mudaneyaal buuq ka sameeya si loo hor istaago dalab ka yimid xildhibaanada aqlabiyadda ah oo soo jeediyay in duuduub lagu ansixiyo Miisaaniyada ka dib markii la dhegaystay warbixintii Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee aqalka wakiiladda.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhow Golaha, ayaa Dawan u xaqiijiyay in Guddoomiyuhu soo dhaqdhaqaajiyay Xildhibaanno xisbigiisa ka tirsan oo buuq iyo xamaasad ka abuura fadhigaas si uu ugu sababeeyo inuu xidho. waxaana ka mid ahaa Mudaneyaashii qorshahan u hirgaliyay Md. Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) oo dirqi lagu kala gaadhay Xildhibaan Xasan Cawaalle Caynaan, halka Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble uu isaguna ka mid ahaa xubnihii doonayay in fadhigu qasmo ka dibna la xidho.
Markii fadhigii xamaasadi ka abuurantay, ayuu sidii uu doonayay Guddoomiye Cirro ku dhawaaqay inuu xidhay fadhiga, waxaanu iska dhego tiray soojeedintii mudaneyaashii aqlabiyadda ahaa.
Miisaaniyadda 2017-ka ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ah tii 25-aad ee dalku yeesho rubuc-qarnigii la soo dhaafay ayaa dhan Sl sh. 2,175,104,355,662 oo u dhiganta
$362,517,393. Waxaanay tii kal-hore 2016-kii ka badan tahay Boqolkiiba 27.5%. Miisaaniyaddan waxa ku jira mashaariic badan oo ku wajahan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyadda caafimaadka, waxbarashadda, beeraha iyo sanduuq loogu talogalay gurmadka abaaraha.