Tababare Jurgen Klopp ayaa ku fakaray hadii guulaha is daba joogga ah ee ay gaarayaan ay ka careysiin karto kooxda Chelsea oo ah hogaanka horyaalka Ingiriiska tani ayaana imaaneysa markii ay Anfield ku dubteen Manchester City habeenkii xalay ahaa.
Liverpool ayaa haatan u jirta Chelsea kaliya lix dhibcood iyadoo wiilasha Antonio Conte ay barbareeyen rikoorka guulaha xiriirka ah ee hal xili ciyaareed gudahood laga sameeyo horyaalka Ingiriiska taas oo ay horay u heysatay Arsenal.
Blues waxey shalayto si xarago leh kaga badiyeen Stoke City oo soo booqatay Buundada waxeyna ku qaarijiyeen 4-2, waxeyna taas ka saaciday iney wali sii ahaadaan hogaanka horyaalka halka Liverpool ay 1-0 kaga farxasheen Citizens iyagoo uga mahad celinaya goolkaas Georginio Wijnaldum.
Jurgen Klopp ayaa la weydiiyay hadii ay waqti fiican u tahay madama ay soo yareeyeen farqiga dhibcaha ee horyaalka iyadoo la joogo bartamaha xili ciyaareedka.
“Ma garan karo hadii aan u baahanahay waxyaabo dheeri ah si aan farxad daran u dareemo markii aan ka adkaanay Manchester City” ayuu ku jawaabay Jurgen oo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee kadib ciyaarta.
“Dhabtii waxaan ogahay inaan waxna u baahneen, gabi ahaan waa wax wanaagsan. waxey aheyd shaqo adag waxaana horay u sheegay inaan eegi doonin Chelsea”
“Sida iska cad waxey ahaayeen kuwa si aan caadi aheyn u xoogan dabcan, waxeyna ku jiraan waqti fiican, waxey adkaadeen 12-kulan oo xiriir ah? Durbadiiba 13 ayey gaareen!
“Ma xuma, balse ma qiyaasi kartaa inta aad caroon karto marka aad guuleysato 13-kulan oo xiriir ah isla markaana kooxda kugu soo xigta aad ka sareyso kaliya 6-dhibcood”
“Balse waxaan hubaa ineysan ka fakareynin waxa ku saabsan arintaas, sidaas darteed inaguna maxaan ugu fakareynaa”