Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay dad lagu tuhunsan yahay falal amni daro oo Ciidamada RRU-da ee argagixiso la dagaalanku ka kala qabteen Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Ciidamada RRU-da ayaa subaxnimadii hore ee shalay hawlgal culus ka fuliyay badhtamaha magaalada Hargeysa, waxaanay qabteen rag ay muddo daba socdeen.
Wasiirka arrimaha gudaha Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay hawlgalka ciidamada RRU-da, wuxuu yidhi “Ciidamadu xaq bay u leeyihiin inay qabtaan oo ay ka hor tagaan cid walba oo ay uga shakiyaan xaalad abuur iyo falal amni daro. Markaas Hargeysa qaar baa lagu qabtay, Berbera dhawr baa lagu qabtay, waana shaqadoodii, oo Ciidamadu si wanaagsan bay u shaqeeynayaan”. ayuu yidhi wasiir Faratoon.
Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu wax ka weydiinay tirada dadka la qabtay inta ay yihiin ayaa ku jawaabay “Ma rabo in aan ka hor dhaco, balse halkana [Hargeysa] dhawr baa lagu qabtay Berbera qaar baa lagu qabtay”.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, wuxuu bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka oo ay feejigni muujiyaan, waxaanu yidhi “Bulshada waxaan ku baraarujinaya inay sidaas ugu soo jeedaan, oo Ciidamadda nabadgalyada la shaqeeyaan, oo ay soo war galiyaan mar walba, oo taxadir dheeraad ah u yeeshaan, oo ay ogadaan in la soo dhex galayo, oo la khalkhalinayo, oo ay jiraan dad ka shaqeynaya inay nabadgaliyadeena khal-khaliyaan, inay la socdaan oo mar walba ogadaan oo ay aad u feejignadaan ayaa loo baahan yahay”.