War Deg-Deg Ah: Xukumada Somaliland Oo Qaadacday Magac Magaalada Balidhiig Oo Madaxwaynaha Ismaamulka Dawlad Deegaanka Itoobiya Cabdi Ilay Ka Badelay. …

Date:

Xukumada Somaliland Oo Qaadacday Magac Magaalada Balidhiig Oo Madaxwaynaha Ismaamulka Dawlad Deegaanka Itoobiya Cabdi Ilay Ka Badelay.Wasiirka dawlaha wasaarada xanaanada xoolaha somaliland cabdirashiid riyo raac ayaa si cilmiyaysan uga hadlay arintan faragalinta qaawan ah ee cabdi ilay ku soo faragaliyay xadka somaliland la wadaagto itoobiya taas oo cabdi ilay uu magacii ka badelay degmada ka tirsan gobolka togdheer ee balidhiig.Wasiirul dawlaha ayaa hadalka u dhigay in aanay somaliland waxba ka ogayn arintaa madaxwaynaha kilidhka shaanad cabdi ilay ku kacay magaca deegaankaasina wali yahay Balidhiig.

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadshay Magaca Uu Balli-dhiig Ka Beddelay Madaxweynaha Killalka Shanaad iyo Socdaalkiisii Xadka

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa ka hadlay Socdaal Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar dhawaan uu ku maray deegaannada ku yaalla Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo magicii hore ka beddelay degmada Balli-dhiig oo uu u bixiyey Balli-Janno toddobaadkii hore markii uu ku guda-jiray Socdaalkaas oo uu sidoo kale Caawimo ku gaadhsiiyey Dadka deegaannada uu maray ku yaalla.
Cabdirashiid Riyo-raac Wasiiru-dawlaha Xannaanada Xoolaha Somaliland oo shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlay Hargeysa, waxa uu yidhi; “Madaxweynaha waxaannu ku kulannay magaalada Coodaale oo aannu isku aragnay, magaalooyinka qaarna way innaga dhexeeyaan, qaarna waynu kala leenahay. Immika Balli-dhiig, Coodaale iyo Buuhoodle waa magaalooyin innaga dhexeey oo qaybina Itoobiya tahay, qaybina ay Somaliland tahay. Markaa, runtii Anigu Safarkiisa (Madaxweynaha Killalka Shanaad) umaan arkayn mid Siyaasadeed, waxaan u arkayay Abaar, Kormeer iyo Raashin uu qaybinayay iyo sida uu ula hadlayay oo dhibaatada ayuun buu ka soo gurmaday, waanan uga mahad-naqaynaa.”
Mar uu Cabdirashiid Riyo-raac ka hadlayey magaca Madaxweynaha Killalka Shanaad ka beddelay Balli-dhiig, waxa uu yidhi; “Magacyadu dhib wayn ma leh oo meesha dadka ka dhaxaysa in labada dawladood isla qaatan oo haddii uu isagu ku horreeyay aannu isla eegno ama aannu diidno ayaa meesha imanaysa ama aannu laba magac aannu ku kala haysanno, magaalada waynu kala leenahay illayn oo magaaladu way kala badhan tahay (Xadkaa dhex-mara).”
Sidoo kale, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdirashiid Riyo-raac wuxuu ka hadlay xannuuno ay sababeen Abaaraha baahsan ee jira dalka oo ugu horreeyo Shuban-biyoodku, waxaanu yidhi; “Runtii dadku marka dabaceedda uu ku nool yahay uu beddelo iyo marka Biyo aanu cabbi jirin cabbo ama meel kale tago shuban wuu jiraa oo wuu iska dilaacayaa, Aigu aagaggaa maan tagayn, laakiin warkooda waan hayaa in degaannada Ceel-afweyn uu Shubanku ka dillaacay.”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...