Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Afhayeenka Booliska Faysal Xiis Cilmi ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen laba qof oo ay uga shakiyeen falalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhawaan lagu qaaday siyaasiyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Shir-jaraa,id oo ay si wada jira u qabteen xarunta taliska ciidanka booliska Somaliland ayaa Ugu horeyn taliyaha ciidanka booliska Jamhuuriyada Somaliland sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isagu madashaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi “Dhacdo markii ay dhacdo ciidanka booliska midbaa waajib loogu leeyahay, taas oo ah hawshaasi maxaad ka qabateen, waxaanan leeyahay inta ciidanka boolisku waajibaadkooda gudanayo waxaan u soo jeedinayaa, bulshada reer Somaliland iyo cidkasta oo ay arintani khuseyso, aanay baadhista ka hor dhicin oo aanay wax nabad galiyada iyo kacdoon dadweyne keeni kara, aanay la imanin, waayo ciidanka boolisku waa naftood hurayaal, shacabka reer Somaliland-na ay ku kalsoon yihiin, una darban yihiin, oo ay la shaqeeyaan laakiin, waxaan leeyahay waar nin muraad-low nabad-galiyada wadanka khatar ha galinin, hana sheegin waxaan jirin, waana inaad ka war sugtaa ciidanka booliska ee baadhista gacanta ku haya iyo kiisaska”
Afhayeenka ciidanka booliska Jamhuuriyada Somaliland mudane Faysal Xiis Cilmi ayaa warbaahinta u akhriyay magacyada eedaysanayaasha falkani ay uga shakiyeen inay geysteen waxaanu yidhi “Boolisku waxaa ay gacanta ku soo dhigeen, eedaysane Khaliif Axmed Cali Cawaale, kaasi oo lagu eedeynayay, inuu u hanjabay dhibane Maxamed Sidiiq Dhame,intii aanu falku dhicin ka hor, baadhistii booliskana waxaa nooga soo baxay oo ay gacanta ku soo dhigeen Cabdikariin Cabdilaahi Ismaaciil Rigaax, oo isna lala xidhiidhinaayo inuu fal-danbiyeedkan lug ku lahaa,isagana waanu soo qabaney oo waa uu xidhan yahay, labadabana kiiskooda si mugle ayaa loo baadhaya, waxaana si deg dega loo horgeyn doona Maxkamadda iyo Xeer ilaalinta”