Somaliland: Xisbiyada Kulmiye & UCID Oo Farriimo Eedo Iyo Hanjabaad Isugu jira U Diray Xisbiga Waddani, Iyo Cirro Oo Ka Gilgishay

Date:

Masuuliyiinta Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ayaa si adag u cambaareeyey Xisbiga Waddani, islamarkaana ku eedeeyey inuu ku tallaabsaday Qaran dumisnimo, kadib markii dorraad ay daabacday Jariiradda The Star ee kasoo baxda dalka Kenya in Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ay dhawaan magaalada Nairobi kulan kula yeesheen Raysal wasaaraha Dalkaasi Soomaaliya, balse waxa isla markiiba jawaab ka bixiyey  Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

KULMIYE

Xisbal-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa ka codsaday dhiggiisa mucaaridka ah ee WADDANI inuu bulshada u caddeeyo kulamo qarsoodi ahaa oo magaalada Nairobi ku dhexmaray wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Muqdisho oo sida la weriyey uu ka mid yahay Ra’isal-wasaare Cumar Cabdirashiid.

“Warbaahinta Kenya, ayaa maalmahan soo bandhigaysay faahfaahinno ka soo baxay kulamo xogtooda la daahay oo hoggaanka xisbiga WADDANI kula yeeshay magaalada Nairobi siyaasiyiin xukuumadda Muqdisho ka tirsan, laguna lafo-guray sidii midnimada Somaliland iyo Soomaaliya looga shaqayn lahaa haddii uu xisbiga WADDANI ku guulaysto doorashooyinka madaxtinimada ee dalka ka qorshaysan sannadda 2017-ka.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbiga ee Hargeysa maanta, waxa uu hoggaanka xisbiga WADDANI kaga dalbaday inuu caddaymo dheeraad ah ka bixiyo kulankaas oo warbaahinta Kenya intooda badani ku sheegeen in labada dhinac kaga wadahadleen sidii mustaqbalka loo midayn lahaa Somaliland iyo Soomaaliya haddii uu xisbiga WADDANI ku guulaysto doorashooyinka soo socda.

“Waxa muddooyinkan dambe bulshada reer Somaliland isweydiinaysay safarkii madaxda xisbiga WADDANI ku tageen dalka Kenya oo ay su’aalo badani ka soo noqonayeen, iminkana ifafaale iyo warar cusub oo warbaahinta dalka Kenya ay qorayaan ayaa ina soo gaadhaya, waxaanay taasi muujinaysaa in guddidaas oo ah hoggaankii xisbiga WADDANI ay la kulmeen xubno ka mid ah dawladda Muqdisho oo uu ka mid yahay Ra’isal-wasaare Cumar Cabdirashiid, kana wadahadleen sidii mustaqbalka haddii uu xisbigaasi ku guulaysto doorashada loola midoobi lahaa Soomaaliya,” ayuu yidhi Md. Xasan Gaadhaafi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu u soo jeediyey hoggaanka WADDANI inay shacabka u sheegeen wixii lagaga wadahadlay kulankaasi qarsoodiga ahaa, “Waxa aynu ognahay in xisbiga WADDANI taageerayaashiisa ballaadhani ay yihiin dad reer Somaliland ah oo ku gawracan qaddiyadda Somaliland, xisbiguna xisbi qaran oo axsaabta Somaliland ka mid ah uu yahay, waxaanuna leenahay hoggaanka xisbiga WADDANI bulshada reer Somaliland iyo taageerayaashiisaba ha u caddeeyo waxyaabihii ay halkaas la tageen, ciddii ay la kulmeen, wixii ay ka wadahadleen iyo arrimaha ay warbaahinta Kenya qorayaan waxa ka jira, intaas wixii ka dambeeyana waxanu warbaahinta soo siin doonaa wixii warar ah ee arrintaas kasoo kordha.”

Dhinaca kale, Afhayeenka KULMIYE waxa uu ka hadlay dhaawacyo saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI loogu gaystay magaalada Hargeysa dhawaan, waxaannu xusay in xisbiga KULMIYE ka xunyahay arrintaa, isla markaana waxa hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay dadaalgeliyaan sidii loo soo qaban lahaa cidda dhibaatadaas geysatay, “Xubnihii ka tirsanaa xisbiga WADDANI ee maalmihii aynu soo dhaafnay goor habeennimo ah dhaawacyo loogu geystay magaalada Hargeysa aad iyo aad baanu uga xunnahay, Ilaahayna waxaannu ka rajaynaynaa gacan ka xaq-daran baa waxyeeshaye inuu caafimaad degdeg ah siiyo, ciddii og wixii wax u geystayna waaa inay sheegaan, ciddii aan ogayna inay hay’adaha ammaanka ka caawiyaan sidii loo soo qaban lahaa dadkaas,”ayuu yidhi afhayeen Gaafaadhi.

UCID

Af-hayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Maxamed Xasan Kheyre (Shabaash) ayaa, si kulul u cambaareeyey Xisbiga Waddani, kuna eedeeyey inay galeen khiyaamo qaran o u baahan in Maxkamad la geeyo haddii aanay iska duwin, waxaanu yidhi “Warka Jarriirada STAR ee kasoo baxda dalka Kenya qortay ee sheegaya in Masuuliyiinta Xisbiga Waddani iyo Raysal wasaaraha dalkaasi Soomaaliya inay kulan ku yeesheen hudheelka Serena  ee Magaalada Nairobi, waxaan leeyahay waa arrin aad u xun oo Qaran dumis ah oo ummadda iyo Qaranka Somaliland-ba meel ka dhac ku ah, ta layaabka leh ee ka dambaysaa waxa weeyi warka haba la qore’e oo hala soo bandhigee waxay aheyd haddii aanay waxaasi waxba ka jirin, waa Xisbi Qaran oo ummadda Somaliland cod ka doonayee waxay aheyd  inuu cadeeyo in aanay waxaas waxba ka jirin, ilaa haddana kelmad ku saabsan arrintaasi lagama hayo, waxaanan leeyahay waa  Qaran jab oo waa waax Qaranka go’aysa oo waa Xisbi Qaran waxaanay waliba cadaynaysaa jarriiradaasi in midnimada Soomaaliya heshiis lagu galay”.

Af-hayeen Shabaash waxa kaloo intaasi uu ku daray “Waxaanan leeyahay Xisbiga Waddani arrintaasi haddii aanay jawaab cad ka bixin, waa Danbi Qaran ee Maxkamad Qaran hala geeyo, waa danbi ummadda u codeysay ee Xisbi Qaran ka dhigtay ay ka galeen, oo khiyaamo Qaran ah, haddii kale ha cadeeyeen arrintaasi siday u dhacday, haddii aanay jirina ul dheer ha isaga duween”.

Shabaash waxa kaloo uu sheegay in Masuuliyiinta Xisbiga Waddani qaarkood loo tirayo dhinaca Soomaaliya “Rag dhalliilo ku leh xagaa la sheegayo (Soomaaliya), iyo rag mittid ku ah Somaliland way ku jiraan Xisbiga Waddani, waxaanan leeyahay Xisbiga Waddani waxa laydinka rabbaa cadayn, inaad arrintaa, khiyaamadaa Qaran ku raacsan tihiin iyo in aydaan waxaa ku jirinba, ayaan usoo jeedinayaa inay kala cadeeyaan 24saacadood ee soo socda”.

WADDANI

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isla shalay jawaab ka bixiyey wararka sheegaya in Masuuliyiinta Xisbiga Waddani dhawaan magaalada Nairobi kulan kula yeesheen Raysal wasaaraha dalkaasi Soomaaliya, iyo eedaha ku aadan kulankaasi ee Xisbiga Kulmiye u diray Xisbiga Waddani.

Guddoomiye Cirro, oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi  “Mushkilado badan ayaa Somaliland haysta oo ay ka mid tahay Abaarta iyo Sixir barrarku, waxaad moodaa in Xisbul xaakimka Kulmiye uu kaga mashquulay dacaayado iyo borobagaande, ciddii aanu Nairobi kula kulanay waanu sheegnay oo way cadayd, inkastoo aannan arag wararkaa iyo sawirada midna, waxaanu la kulanay Safaaraddo, IGAD iyo Masuuliyiin kale”.

Guddoomiye Ciro waxa kale oo uu intaasi ku daray “Sawiro laysku kabkabay iyo been la sameeyay waa beeni raad ma leh, waxaanay ila tahay wax ka weyn ayaa looga baahan yahay maanta Xisbul xaakimka oo aan ahay sawiro laysku kabkabo oo dadku abaar iyo sixir barrar ayey la taag darran yihiin ee arrimahaa haku mashquulaan, intay ku mashquuli lahaayeen Xisbiga Waddani iyo Masuuliyiintiisa”. Ayuu hadalkiisii kusoo gunnaanaday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...