Somaliland: Wefti ka Socda Somaliland oo Booqasho la Xidhiidha Dhoofka Xoolaha ku Tagey Qatar

Date:

Wefti Wasiirro ah oo ka socda xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay ka degay magaaladda Dooxa ee caasimadda dalka Qadar.

Weftigan wasiirrada ah oo uu hogaaminaayo wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta Somaliland Maxamed Aadan (Qabyo-tire), oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Axmed Aadan Kayse, Wasiirku xigeenka wasaaradda madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo Xasan Daahir Dhimbiil, ayaa gaadhay magaalo madaxda wadanka Qadar ee Dooxa.u jeedada ugu weyn ee socdaalka weftigan ayaa ah sidii ay suuq ganacsi oo loo iibgeeyo ugu raadin lahaayeen xoolaha Somaliland, kadib markii ay dhawaan dawladda Sucuudigu hakisay dhoofinta xoolaha uga yimaadda Somaliland iyo Somaliland.
Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Maxamed Aadan Ibraahim (Qabo) oo la hadlayay jaaliyadda reer Somaliland ee magaaladda Dooxa oo madaarka ku soo dhaweeyay waxa uu faah-faahin ka bixiyay ujeedada socdaalkooda waxaanu yidhi, “Ujeeddada koowaad ee aanu u soconaa waa in aanu suuq ganacsi uga raadinyo Adhigee-na wadabada Khaliijka carabta iyo kuwa bariga dhexe-ba.”

Wasiir Qabyo-tire, waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha u qorshaysan inta ay joogaan dalka Qadar, “Waxa kale oo aanu u nimid in aanu dadka reer Somaliland ee ku nool wadamada carabta ku wacyigelino, una sheegno abaaraha dalkee-na ka jira. Anaggoo og in ay hore uga qayb qateen hadana waxaanu doonaynaa in ay arrintaa ay nagala hawl galaan sidii dadka abaaruhu saameeyeen wax loogu qaban lahaa,” ayuu yidhi Wasiir Qabo. “Waxaanu aad ugu faraxsanahay in aanu halkan ku soo dhawayno weftigan wasiirada ah ee miinsaanka, waana kuu gu cuslaa ee wasiiro intaas leegi ay ku yimaadaan magaaladda Dooxa. Markaa hadaanu nahay jaaliyadda Somaliland eek u nool wadanka Qadar siiba magaaladda Dooxa diyaar baanu u nahay in aanu indin kala shaqayno arrimahaas aad u socotaan.” Sidaana waxa yidhi masuul ku hadlaayay afka jaaliyada Somaliland eek u nool magaaladda Dooxa ee wadanka Qadar. Weftigan ayaa inta ay joogaan wadanka Qadar waxay kulano is-xogwaraysi ah la yeelan doonaan jaaliyadda Somaliland ee ku nool wadankaas, kulanadaasna qaadhaano loogu ururin doono taakulaynta dadka abaaruhu ay saamaynta ku yeesheen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...