Cirro wuxuu la gaadhay dawladda Muqdisho, sidii looga dhabeyn lahaa in Somaliland la midowdo Soomaaliya
Wargeysku wuxuu daaha ka rogay xaqiiqdii kulankii ka dhacay Huteelka Serena ee Nairobi
Wargeyska caanka ah ee The Star ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa jimcihii shalay shabakadiisa internet-ka ku daabacay in Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu 20-kii bishan December, kulan kula yeeshay Huteelka Serena ee magaalada Nairobi, Raysal-wasaaraha Dawladda Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ay ka wadahadleen sidii loo soo celin lahaa wax loogu yeedhay midnimadii Soomaaliya, iyadoo muddo rubuc qarni ah Somaliland ay ka maqneyd Soomaaliya oo ay xornimadeedii dib ugala soo noqotay.
Wargeyska The Star, wuxuu ciwaan uga dhigay warkaas “Somaliland oo dib ula midoobaysa Soomaaliya oo ay 25 sannadood kala maqnaayeen.” Waxaana qoray suxufi la yidhaahdo LEWIS NYAUNDI. haddaba warkan oo uu soo turjumay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska DAWAN, Cumar Maxamed Faarax, waxa lagu bilaabay, “Hoggaamiyaha xisbiga ugu muhiimsan mucaaridka, ayaa tibaaxay inay suurtogal tahay Somaliland inay dib ula midowdo Soomaaliya, iyadoo ay fooda ku soo hayso doorashadda oo sannadka dambe ka dhici doonta.
Hoggaamiyaha mucaaridku, waxa uu la gaadhay Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid, sidii looga dhabeyn lahaa in Somaliland la midowdo Soomaaliya.
Codbixiyeyaasha Somaliland, ayaa doorashadda guud u dareeraya 27-ka Bisha March 2017-ka, billo uun ka dib marka ay Soomaaliya ka dhacdo doorashadda madaxweynaha ee loo cayimay inay qabsoonto 28-ka Bishan December,”ayuu qoray wargeyska The Star.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Ka-qaybgaleyaal kale oo ka socday mucaaridka Somaliland, ayaa ku sugnaa kulankaas ka qabsoomay Huteelka Serena ee Nairobi ee ay la yeesheen Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid, doorashooyinka ayaa qabsoomaya iyadoo ay socdaan wadahadallada midowga labada dal.Waxa kaloo uu Cabdiraxmaan Cirro kula shiray Nairobi wakiillo ka socday dawladaha UK, Denmark, France, Jarmalka iyo Midowga Yurub (EU).
“Waxaanu doonaynaa in beesha caalamku dalkayaga ka caawiyaan sidii ay uga dhici lahayd doorashooyin hufan oo xor ah,”ayuu yidhi.
“Madaxweynaha xilka haya , oo ku guulaystay doorashaddii ka dhacday Somaliland, 26-kii June 2010-kii, ayaa ku dhawaaqay inaanu muddo xileed labaad u tartamaynin, waxaanu keenay Muuse Biixi, inuu ku tartamo isagoo matalaya xisbul-xaakimka KULMIYE.
Doorashadda madaxtooyadu waxay hore uga qabsoontay Somaliland sannadihii 2003, 2010 iyo doorashadii baarlamaanka oo ka dhacday 2005-tii,”ayuu daabacay wargeyskaas ka soo baxa dalka Kenya.The Star, waxa uu soo sawiray siyaasiyiin ka tirsan xisbiga WADDANI oo kulankaas ku wehelinayay Guddoomiye Cirro, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Ismaaciil Buubaa, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo xubno kale.
Geesta kalena, Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhawaan dafiray inuu Nairobi kula kulmay Raysal-wasaaraha xilkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid, hase yeeshee waxa majalladda The Star, ay ku noqonaysaa fadeexadii iyo jariimaddii ugu weyneyd ee uu Qaranimadda Somaliland ka galo Guddoomiye Cirro oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Aqalka Wakiiladda, waxaanay arrintaasi sababi kartaa in lagu eedeeyo khaa’inul waddan, haddii dhinaca sharciyadda loo maro uu wajihi karaa kiis lagu maxkamadeyn karo, iyadoo marka hore loo baahan yahay in xasaanada iyo xilka Guddoomiyenimadda baarlamaanka laga xayuubiyo.
Waxa kaloo ay shaambad madow ku noqonaysaa sumcadii xisbiga WADDANI oo dad badani ay muddooyinkii u dambeeyay oo dhan ku eedeynayeen inuu u janjeedho dhinaca Soomaaliya.