Suuqa Kala Iibsiga: Paris Saint Germain Oo Bartilmaameed Ka Dhiganeysa Arsene Wenger

Kooxda Paris Saint Germain ayaa ugu dambeyntii filaneysa iney ku guuleysato dalabyada ay u gudbineyso macalinka reer France ee leyliya Arsenal Arsene Wenger sida ay ku warameyso jariiradda The Sun.

Arsene Wenger oo muddo badan ku sugnaa Arsenal ayaa bartilmaameed muddo dheer u ahaa kooxda ka dhisan Parc des Princess, balse waligood kuma guuleysan iney ku qanciyaan inuu kasoo guuro London isla markaana yimaado magaalada Paris.

Si kastaba Unai Emery ayaa ku wareeray nolosha kooxda Paris Saint Germain, halka Arsene Wenger la filayo inuu qandaraaskiisa ka dhaco marka uu dhamaado xagaagan hadii aan heshiis kordhin loo sameynin.

PSG maamulkeeda ayaa haminaya iney xagaaga dambe helaan Arsene Wenger si uu sumcad balaaran u gaarsiiyo kooxda hamiga ugu weyn ee ay qabaan ayaana ah in macalinkaan uu u qaadi karo koobka horyaalada yurub.

Comments

comments