Somaliland: Afhayeenka KULMIYE oo si adag ugu Jawaabay Cabdiraxmaan Cirro

Date:

Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa jawaab cad ka bixiyey dhaliilo aan cilmi ku fadhiyin oo uu Murrashaxa xisbiga WADDANI dusha ka saaray dhiggiisa murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi, kuwaas oo ahaa shakhsi weerar.
Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa maanta, waxa uu dhaliilahaa ka soo yeedhay Murrashaxa WADDANI ku tilmaamay qaar aan laga filayn oo gef ku ah madaxda iyo shacabka reer Somaliland, isla markaana hoos loogu dhigayo milgaha iyo karaamada ciidamada qarankani leeyahay, isaga oo dhinaca kalena xusay in dedaalka iyo soo jiidashada uu xisbiga KULMIYE ka kasbaday bulshadu naxdin iyo anfariir ku ridday axsaabta mucaaridka ah.

Ugu horrayn, Afhayeen Gaafaadhi waxa uu wax laga xumaado ku macneeyey in Cabdiraxmaan Cirro, uu bulshada ay codka ka doonayaan ku sheego qaar lacago lagu kala iibsado, waxaanu xusay in aanay dhaqannada noocaas ahi ku habboonayn cidda gacanta ku haysa ee martida looga yahay inay doorato hoggaamiyihii dalkan xukumi lahaa, “Xisbiga KULMIYE waxa soo galay oo beryahan dambe aad ugu soo qulqulayey taageerayaal fara badan oo gobollada dalka oo dhan ah oo ay ugu dambeeyeen reer Awdal, waxa kaloo soo ku soo biiray siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ay uu ugu dambeeyey Maxamed Cali Bile, Jamaal Cali Xuseen, Cali Guray iyo kuwo kale, waxa kaloo muuqata in xisbiga KULMIYE iska laab-xaadhay khilaafkii shirkiisii golaha dhexe oo rag badan oo xisbiga ka tirsani soo noqdeen oo uu ka mid yahay Cabdicasiis Samaale. Guulahaasi maanta waxa muuqata in xisbiga KULMIYE uu laydhkiisu si wayn uga dhex muuqdo xisbiyada kale ee mucaaridka ah ee la tartamaya, taasina waxaad mooddaa inay calool-xumo iyo rajo-xumo ku beertay xisbiga WADDANI oo maanta u muuqda inay ka rajo xun yihiin inay soo dhawaadaan doorashada soo socota, waxaanay taasi geyeysiisay in shacabkii taageeradooda sida hagar la’aanta iyo kalsoonida ah ugu muujiyey xisbiga KULMIYE la yidhaahdo sidii tamaandho xaraash ah oo suuq taalla waa dad la iibsaday, kelmadahaas aad iyo aad baanu uga xunnahay, waana kelmado aan munaasib ku ahayn shacbiga codka laga doonayo,” ayuu yidhi Gaadhaafi.

Afhayeenka KULMIYE waxa uu ku eedeeyey xisbiga WADDANI inay jabiyeen heshiis hore labada xisbi u wada dhigteen, waxaannu yidhi, “Wax badan baanu isku daynay inaanu xisbiga WADDANI ku heshiino in tartan aan turxaan lahayn oo asluub leh aannu wada galno, sidaasna aannu ku samaynno guddi anshax oo labada dhinac ka socda oo ay labada murrashax guddoominayeen, laakiin waxa muuqata inaanay marnaba tixgelin oo ay maalin walba saxaafadda la taagan yihiin waxyaabo annaga iyo shacabka midna aan laa’iq ku ahayn ama aan u cuntamin.”

Waxa uu uga digay Murrashaxa WADDANI hadallada deel-qaafka ah ee uu kula kacayo ciidammada Qarankani ku taagan yahay, isagoo xasuusiyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay ciidamadu qabtaan, waxaannu yidhi, “Hadalkii ugu dambeeyey uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI uu yidhi Muuse waa askari, heesta 12-ka sano uu mar walba isku taagayey ee heesta qaranka ah ee astaanta ah beydka ah (Geesiyaashii naftooda u sadqeeyey gobonnimada Somaliland), waxa dhiigga u huray gobonnimada Somaliland waa askar, waxa maalin walba ilaaliya ee isaga la socdaa waa askar, waxa xafiiskiisa ku ilaaliyaa waa askar, waxa qaranka ilaaliyaa waa askar, markaa haddii uu murrashax Cirro leeyahay dalka uma qalmo inuu hoggaamiyo askarigu, wixii dad ah ee ka soo yaaca Muuse isagu weel ha u samaysto oo ha urursado.”

Doorashooyinka dalka ku soo socda iyo waliba xaaladda abaareed ee lagu jiro, ayuu afhayeenku ka hadlay, waxaannu xusay in labada hawloodba la isku wadi doono oo aan midna laga seexan doonin, isla markaana xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisuba diyaar u yihiin inay doorashada wakhtigeedii ku qabtaan, “Gurmadka abaaraha iyo doorashaduba waa laba xil qaran oo umadda u yaalla, Madaxweynaha Somaliland-na shirkii uu furay ee Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE waxa uu ku caddeeyey in abaartana gurmadkeeda la gelayo, doorashaduna ay waqtigeedii dhacayso, labada hawloodna laba hawlood oo Jamhuuriyadda Somaliland u yaalla ay yihiin, waxaanse leeyahay xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddaba waxa ka go’an doorasho, muddadiina saddex bilood baa ka hadhay, saaxiibkay Cabdiraxmaan Cirro-na inuu shaqada Baarlamaanka u ga’o iyo inuu u soo banbaxo shaqada ololaha isaga ayey u taallaa, xisbiga KULMIYE-na waa u diyaar doorasho,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Gaafaadhi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...