Ra’iisul Wasaare Cumar oo kulan qarsoodi ah laqaatay Cabdiraxman Cirro iyo Mucaaradka Somaliland maxay kahadleen.
Ra’isul-wasaaraha XFS ee uu xilligu ka dhacay, ahna Musharax Madaxweyne, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxa uu Hotelka Serana ee magaalladda Nairobi Kulan Khaas ah kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Maamulka Somaliland, ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, C/raxmaan Maxamed C/llaahi “C/raxmaan Cirro”
Labada Mas’uul waxay Kulankooda kaga wad hadleen Isbedelka Siyaasadeed ee Somalia iyo Somaliland iyo sidii ay iskaashi dhow uga yeelan lahaayeen Doorashadda Madaxtinimadda ee dhawaan ka dhici doonta Somalia.
Musharax Madaxweyne Sharmaarke oo haatan ku hawlan Ololihiisa Siyaasadeed waxa uu door-biday inuu Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliland, C/raxmaan Cirro u muujiyo Debecsanaan Siyaasadeed, si uu uga kasbado Taageeradda dhinaca Beelaha ka soo jeeda Somaliland.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inuu Musharax Sharmaarke Kulankaasi culayska ku saaray inuu C/raxmaan Cirro kala hadlo Ajendayaasha Wada-xaajoodkii Dowladda Federalka iyo Maamulka Somaliland iyo in la soo nooleeyo Qaddiyadda Midnimadda Somalia.
Musharax Madaxweyne Cumar C/rashiid ayaa u muuqda inuusan taageero ka filan ka heli doonin Xildhibaanadda Beelaha Waqooyi ee ka mid noqonaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.