Lionel Messi Waa Ciyaartoyga Kaliya Ee Aduunka Jooga Ee Haddii Uu Doono Kulan Kasta Saddexley Ka Dhalin Kara, Waan U Tagay Oo Aan U Hambalyeeyay

Bandhigii uu Lionel Messi ka sameeyay kulankii Catalan Derby ee Espanyol ayaa keenay in si wayn ay saxaafada aduunku ugu hadasho wuxuuna amaan ka helay tababaraha kooxdiisa Barcelona ee Luis Enrique, ciyaartoyda Barcelona laakiin sidoo kale Messi ayaa amaan waali ah ka helay tababaraha uu kooxdiisa burburiyay ee Quique Sanchez Flores kaas oo sheegay in Lionel Messi uu yahay xidiga kaliya ee haddii uu doono kulan kasta saddexley ka dhalin kara.

Tababaraha Espanyol ee Quique Sanchez Flores ayaa markii uu soo dhamaaday kulankii Camp Nou wuxuu u tagay Lionel Messi iyo Andres Iniesta oo labaduba ahaa xidighii bandhiga ugu fiican ka sameeyay kulankan wuxuuna sheegay in uu ugu hambaleeyay guusha ay gaadheen iyo waliba bandhigii ay kulankan ku muujiyeen. Messi iyo Iniesta ayaa inta ugu badan garoonka kubbada ku taabtay.

Quique Sanchez Flores oo ayna Luis Enrique is gacan qaadin bilawgii ciyaarta iyo dhamaadkii midna sababo xidhiidhkooda oo xun awgeed ayaa taas badalkeeda garoonka ugu galay ciyaartoyda Barcelona wuxuuna si gaar ah ugu hambalyeeyay Messi iyo Iniesta.

Comments

comments