Kabtan Sergio Ramos Oo Si Kulul U Weeraray Xidiga Bixitaanka Doonayo Ee James Rodriguez

Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa su’aal ka keenay waqtiga ay ku soo aaday hadaladii carada ka muuqatay ee uu James Rodriguez ku sheegay shalay inuu kaga tagayo kooxdiisa Real Madrid uu ku sheegay inuusan ku heysan waqti ciyaareed ku filan.

Kadib markii kooxdaan loo caleemo saaray kooxda aduunka, James oo kulankaan markale keydka uga dhameystay ayaa si caro leh u hadlay wuxuuna sheegay inuu heysto dalabyo dhowr ah uuna ka fiirsan doono inuu ka tago kooxdiisa bisha Janaayo, sida aan shalay idiin soo gudbinay.

Hadaba Ramos oo la hadlayay saxaafada ayaa yiri “Maanta ma ahan maalin laga hadlo xaalada shakhsiyadeed, waxaan u hayaa qiimi weyn isaga, waxaan rajeynayaa inuu sii joogo, laakin maanta ma aheyn maalin laga hadlo xaaladahaan oo kale, maanta waa maalin kooxeed”.

Dhanka kale Sergio Ramos ayaa qirtay inuu nasiib kulahaa inaan ciyaarta laga saarin kadib markuu garsooraha jeebka ku ceshtay kaarkii digniinta ahaa ee uu soo saaray kabtanka Madrid, kaasoo noqon lahaa kaarkiisii labaad ee kulankaan.

Comments

comments