Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxaa uu

sheegay in ay diyaar u yahiin ka xisbi ahaan in qaranka Somaliland Bad Baadiyaan .

Muddo Ciro waxaa uu sheegay in xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye ay taakuleyntii abaaraha kaga mashquushey Xaflado iyo olale aan wakhtigiisa la gaadhin

Cabdiraxmaan Ciro Waxaa uu dhanka kale uu sheegay in safarkii waftagii uu hogaaminaayey ay ku tageen dalka Kenya uu ahaa mid ay dalka loogu gurmaanayo balse aan xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye aan wax loogu Dhimeyn

 

Dhinca kale Musharaxu waxaa uu sheegay in wasirul Dawlaha wasaarada arimaha Dibada Prof Maxamed Mixile Boqore oo maalintii shalay ahaa xadhig ugu hanjabey in uu yahay odey la soo canaantey isaga oo ku baaqay in odeyga canaanta laga daayo

“Wasiir Mixle waxaa uu sheegay in uu diblamaasiyada yaqaano marka aan hadalkiisa dhegaystay waxana is leeyahay A, B C kama yaqaan dublamaasiyada , waxaana ay ila tahay waxaa uu odeygaasi ahaa odey aad loo canaantey ee odeyga canaanta ha laga daayo ” ayuu yidi gudoomiye Ciro

Comments

comments