Musharaxii hore ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay isaga iyo Taageerayaashiisu ku biireen Xisbiga Kulmiye,islamarkaana ay maanta laga bilaabo dhisayaan Musharaxa Xisbigaasi Muj Muuse Biixi Cabdi,Waxa uu Jamaal Ku sugan Magaalada Berbera oo si layaableh loogu soo dhaweeyay islamarkaana munaasibad uu halkaasi ugu qabtay taageerayaashiisa faraha badan ayuu ka iclaamiyay inuu siyaasadiisii iskugu biyo shubay Kulmiye.
Jamaal oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Berbera oo ah halkii aan ka kiciyay Halgankaygii Siyaasada,Mar kaleeto,Inaan taageerayaashaydii iyo dadkaygii aan ku waajahayo oo aan odhanayo Cududeena iyo Xoogeena waxaynu ku biirinaynaa inaynu dhisno Muj Muuse Biixi Cabdi,Iyo Xisbiga Kulmiye, Dabciga Siyaasada Ayaa Ku Faraya In Aad Marmarka Qaarkood Dagto Godkii Lagaa Qaniinay, Markaa Waxan Maanta Go,Aan Ku Gaadhay Inaan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Dhiso, Nelson Mandelo oo 23-Sanadood Jeelka ku jiray,Kuwii ku riday ayuu cafiyay oo uu xilal u dhiibay oo uu Xilal ku taxay,Gaboose iyo Cirro Cid iskaga colaad xumi may jirin,hadana markii dambe Gaboose Cirro ayuu taageeray,”Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen”
Waxa kale oo uu yidhi“Anigu maanta Waxaan kala dooranayaa Laba Xisbi Xaakim,oo midina uu haysto Dawladii,Midina Baarlamaankii uu haysto,Laakiin markii uu gudoomiyihii Baarlamaanku ee ninkii Hanka Madaxweyne lahaa uu kalmad ii odhan waayay,Kalmad aan u qalmay oo ahayd xiitaa ninkaasi waa laga gardarnaa,Cadhadaydii ayaan liqay,Taageerayaashaydii iyo dadkaygii ayaan la tashaday,Waxaan ogaaday in Geelu iskugu kaaya jiro Muuse Biixi,”.
Shacabka reer Berbera ayaa aad u soo dhaweeyay ku biirista uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku biiray Xisbiga Kulmiye waxaanay u tilmaameen inuu doorkan asiibay siyaasada.
Somaliland: Jamaal Cali Xuseen Oo Soo Gunaanaday Hayaankiisii Musharxnimo Kulmiyena Ku Biiray Iyo Laba Weedhood Oo Uu Ku Ganay Muuse Biixi Iyo Cirro
Date: