Somalia: Gaadiidka AMISOM Oo Hooyo Waayeel Ah Ku Jiidhay Wadada Garoonka Aadan Cadde

Date:

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM
ayaa duhurnimadii maanta waxa ay ku jidheen Wadada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgooska KM-4 Haweeney da’ ah oo wadadaasi mareysay.

Dad ka agdhawaa halka uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay jiidheen Hooyo waayeel ah oo da’deeda lagu qiyaasay 60-sano jir ah, waxaana la sheegay in Ciidamada AMISOM aysan u istaagin Hooyada ay gaadiidkooda jiidhsiiyeen.

Goobta ay ciidamada AMISOM gaadhiga ku jiidhsiiyeen Hooyada Soomaaliyeed ayaa waxaa soo gaadhay dad shacab ah oo halkaasi ka agdhawaa iyo kuwa gaadiid ku marayay, waxaa sidoo kale goobtaasi soo gaadhay ciidamo booliis ah oo eryaday gaadiidkii dhibka gaadhsiiyay Hooyadan Soomaaliyeed.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in ay ku guuleesteen in ay soo qabtaan askarigii gaadhiga jiidhsiiyay Hooyada Soomaaliyeed, waxaana saraakiil katirsan booliiska sheegeen in kiiskan baadhitaan ku sameenayaan.

Gaadiidka Ciidamada AMISOM ayaa marar badan dad shacab ah waxa ay si ula kac ah ugu jiidheen wadooyinka magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ay joogaan, mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka ay Ciidamada AMISOM u geestaan dadka shacabka ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...