“Waxaanu qadiyadda iyo midnimada Soomaaliya kala hadalnay siyaasiyiin jooga Somaliland” Musharraxa U Tartamaya Madaxweyne-nimada Somaliya
Musharaxa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mida siyaasiyiin u tartamaya doorashada Madaxtooyada ee dalka Soomaaliya ayaa mar kale sheegay in midnimada Somaliland iyo Soomaaliya uu kala hadlay Siyaasiyiin jooga magaalada Hargeysa.
Musharrax Tarsan ayaa isaguna hore u caddeeyay in siyaasiyiin dawladda Somaliland xilal ka haya uu kala hadlay midnimada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, isagoo masuulkani uu noqonayo Musharraxii labaad ee bil gudihii ku sheega in siyaasiyiin ka tirsan xukuumadda uu kala hadlay midnimada Soomaaliya iyadoo Somaliland waddan gaar aheyd 25kii sano ee u dambeeyay.
“Somaliland iyo Soomaaliya wax wada hadal ah oo rasmiya ma ay galin sidaanu qabno, Annagu (Xisbigayaga) waxaanu qadiyadda iyo midnimada Soomaaliya kala hadalnay siyaasiyiin jooga Somaliland”ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u waramayay Kalsan Tv isagoo jooga magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.
Siyaasiyiinta Dalka Soomaaliya waxaa ay inta badan ku celceliyaan inay midnimada Soomaaliya kala hadleen siyaasiyiin kasoo jeeda Somaliland oo ka tirsan xukuumadda, Balse eedeymahaasi way iska fogeeyaan siyaasiyiinta reer Somaliland oo marar hore qaarkood la sheegay magacyadooda.
Shacabka Somaliland waxaa ay sanadkii 2001-dii u codeeyaan 97% inay ka go’aan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya iyagoo u codeeyay Dastuurka imika lagu Maamulo Jamhuuriyada Somaliland.