Somaliland: “Waxaa Noo Farxad Ah In Madaxweyne Xigeenku Isagoo Tallaabsanaya Oo Cagaha Ku Socdaa Uu Diyaaradda Kasoo Degay”

Date:

Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Soo Dhammaystay Socdaal Caafimaad Dibadda Ugu Maqnaa

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa xilkaasi ee xisbiga mar kale Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dib ugu soo laabtay dalka kadib socdaal caafimaad oo uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta toddobaadyadii u dambeeyey. Md. Cabdiraxmaan Saylici oo dhaawac ka soo gaadhay Misigta lugtiisa bidix kadib markii uu ku simbiririxooday gurigiisa horraantii bishii dhammaatay November, waxaanna markaas kadib loo qaaday dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo cusbitaal ku yaal lagu soo daweeyey. Madaxweyne-ku-xigeenka oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa   waxa halkaas ku soo dhaweeyey Wasiirro, xildhibaanno, madax dhaqameedyo iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga. Wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdilllaahi Saxardiid (Caddaani) oo kamid ahaa masuuliyiintii ka hadashay soo dhawaynta madaxweyne ku xigeenka ayaa halkaasi ka sheegay weedho mahad naq ah oo ku ladhan xaallada madaxweyne ku xigeenka “Halkan waxaa isugu yimi ummaddii oo dhan, aad iyo aadna waxay ugu faraxsan yihiin inaad dalkaaga hooyo kusoo nabad noqoto adiga oo caafimaad qaba, kusoo dhawaw ayaan ku leeyahay”. Ayuu yidhi Mr. Caddaani. Sidoo kale wasiirka Caddaallada Axmed Faarax Cadarre oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka “ Waa illaahay mahadii adiga oo [madaxweyne-ku-xigeen] caafimaad qaba oo cagahaaga ku socda inaad soo nabad noqoto aadna waanu ugu faraxsannahay” ayuu yidhi Mr. Caddarre, wasiirka caddaalladu. Sidaasi si lamid ah ayaa wasiirka Beeruhuna Maxamed AW DAahir weedho soo dhawayn ah ka jeediyey madasha “ Waxaa noo farxad ah oo aanu Illaahay ugu mahad naqaynaa in Madaxweyne xigeenkii uu isaga Tallaabsanaya  diyaaradda kasoo degay oo uu dalkiisa ku soo noqday, soo dhawaw baanu leennahay”. Ayuu yidhi Wasiirka Beeruhu. Waxaa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeennada wasaaradaha Qorsheynta, Ciyaaraha, wasiiru dawlaha ganacsiga iyo masuuliyiin kale oo uu Maayerka Caasimadda HArgeysi kamid yahay, dhammaantoodna waxaa ay iska daba mareen sida ay ugu faraxsan yihiin soo laabashada Madaxweyne ku xigeenka. Gebogabadii ayaa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici), Madaxweyne ku xigeenka JSL ahna musharraxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga KULMIYE uu halkaasi ka hadlay isagoo u mahad naqay dhammaanba dadkii soo dhaweeyey iyo intii u soo ducaysay markii dhakhtarka loogu qaaday wadanka Imaaraadka. “Marka hore Illaahay baa mahad leh, waxaanan ku faraxsannahay inaan dalkayga kusoo nabad noqday aniga oo caafimaad qaba oo dhaawicii fududaa ee isoo gaadhay dawo fiican [dhakhtarka] kasoo helay. Marka labaad waxaa mahad leh xukuumadayda iyo madaxweynaha, waxaa kale oo mahadda 3aad leh dalka aynu walaallaha nahay ee Imaaraadka”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...