“Madaxwayne Beelaha Darafyada Runta U Kala Sheegi Kara Oo Cadaalad Ugu Garsoori Kara, Dooranmayno Eh Allow Noo Door” –Cali Gurey
“Sheeko baralaydu iyadaa iska badan ee ninkii hadlayaaba ha iska hadlo. Xaaladda siyaasadda halka ay maanta marayso waxay u baahan tahay xeeldheeri gaar ah nin jilicdanina kama fiirsan karo waayo go’aan qadhaadh oo adag ayuu u baahan yahay inu qaadan karo. Nin qalbigiisa ka taliyay oo go’aankiisa ku qaatay jacaylkiisa iyo nacaybkiisu maanta oo kale kama talin karo xaaladdan walagsan ee sisida ah. Maanta waynu ognahay ragga isku haya ama u tartamaya kursiga ugu sareeya Somaliland. Hadii aad jacayl iyo nacaybkaaga eegto lagama yaabo in aad danta guud si sax ah uga talin karto waayo marka horeba si cadaalad ah oo siman wax uguma qaybin kartid. Lakiin hadii aad danta guud oo keliya eegto oo wax kasta oo kale ka hormarisid waxa laga yaabaa in qof aanad raacdeen ay ku raaciso. Maanta waxaynu u baahanahay Madaxwayne wixii inaga qaloocan ku dhiiran kara inu wax ka toosiyo. Madaxwayne beeshan dhex runta u sheegi kara oo in dalka la wada yeesho hadii ay diido aan u joojin ee ka daadiya dheeraadka ay sidato. Madaxwayne beelaha darafyada laftooda runta u kala sheegi kara oo cadaalad ugu garsoori kara. Madaxwayne aan reerkiisa u sed burin oo aan danta qaranka taladeeda inta ugu xigta u daba fadhiisan ee u talo badsada oo cid kasta oo aqoon iyo garasho iyo daacadnimo lagu tuhunsan yahayba wax waydiiya oo la tashada. Sida aynu maanta nahay waxa badan waxa inaga qaloocan hawsha ugu wayn ee u taala madaxwaynaha soo socdaana waa waxaa inaga qaloocday sidii uu u toosin lahaa waana hawl adag oo u baahan ku dhac iyo go’aan qaadasho adag. Hadaba inta xaga danta guud mudnaanta siinaysa qabyaaladuna aanay diinta u ahayn waxan waydiin lahaa labada aynu ku qasbanahay in aynu kala dooranaa waa Cabdiraxmaan Cirro oo ah Gudoomiyaha Wakiilada iyo Muuse Biixi oo ah Gudoomiye xisbi eh kee baa u dhaw inu noqon karo Madaxwaynahaa ku dhiiran kara ee u badheedhi kara arimaha horyaala Madaxwaynaha soo socda labadooda? Aniga aqoontayda yar ee koobani waxay i odhanaysaa malaha Muuse ayaa uga dhaw Cabdiraxmaan inu wax bedeli karo Wallahu yaclamu wa rasuulahu