Somaliland: Seefta Madaxweyne Siilaanyo Oo Mar Kale Dul Hoganaysa Qaar Ka Tirsan Masuuliyiinta Ugu Tunka Weyn Xukuumadda, Xilka Qaadis Iyo Isku Badel Lagu Samaynayo Iyo Magacyo La Hadal Hayo

Date:

Isku Shaandhayntii Ugu Mugga Weynayd Muddo Xilliyeedka Madaxweyne Siilaanyo Oo Uu Kusoo Khatimayo Maalmaha Soo Socda, Madaxtooyada Oo Isaga Maydhaysa Isku Shaandhayntii Ugu Dambaysay Oo Dhaliilo Badan Iyo Fadeexado Hor Leh Xamaabarsanayd + Ma Dhabbaa In Mareeye Cali Xoorxoor Lasoo Celinayo?

Sida ay iftiimiyeen Warar Lagu kalsoon yahay oo Xalay soo gaadhay Xafiiska Wargeyska Foore, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa mar kale la filayaa inuu Seefta la dhex qaado Golihiisa Xukuumadda iyadoo la sheegay inay seeftani doorkan la tagayso qaarka mid ah wasiirada ugu tunka weyn Xukuumadiisa,iyadoo dhinaca kalena la sheegay in isku shaandhayntani kooban tahay islamarkaana qayb ka mida lagu saxayo wixiii ka xumaaday tii hore iyadoo sidoo kalena ay isku shaandhayntan ragga lakeenayo ay ku jiraan rag ruug cadaayo ah oo hore Xukuumadda uga tirsanaan oo dib loo soo celinayo kuwaasi oo sumcad badan ku leh dalka.
Warar Madax Banaan Oo Xalay Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in isku shaadhayntan kale ay tahay oo qudha mid ku eg Golaha Wasiirada islamarkaana uu madaxweynuhu ku ekaysiin doono Wasiiro kooban oo awood badan ku leh Xukuumadda oo booska ay hayaan laga badeli doono islamarkaana meel kale la gayn doono, Halka Kuwa kalena toos shaqada looga caydhin doono oo lagu soo badeli doono Rag miisaan culus leh oo Xisbiga KULMIYE danaynayo in Xilal lagu taxo kuwaasi oo la filayo inay magacaabistoodu wax wayn u tarayso Mustaqbalka Xisbi Xaakimka KULMIYE,Waxaana la sheegay oo ka mid ah raggan miisaanka culus ee la filayo inay ka soo dhex muuqan doonaan Raacan labaad ee isku shaandhayta Madaxweyne Siilaanyo kuwo horeba loo hadal hayay Magacaabistooda oo si gaar ah loo doorbiday in Wakhti gaar ah la shaaciyo.
Xogaha Wargeyska Foore helay ayaa tibaaxay in Wasiiro door ah oo Xisbiga Kulmiye saluugsan yahay tayadooda iyo faro madhnaan ay ka jooogaan deengaankooda ay ka mid noqon doonaan kuwa shaqada laga caydhinayo,waxaanay wararku sheegayaan inay isku shaandhayntani si gaar ah u taaban doonto Wasiior isku shaandhayntii dhawayd ka bad baaday oo wadnaha farta ku haya kuwaasi oo laga dareemayo shaqo maalmeedkooda islamarkaana wax ogaaday Qorshaha lala maagan yahay.Qaar ka mid ah Wasiiraddan ayaa wal wal culus soo waajahay waxaanay labadii maalmood ee u dambeeyay la arkayay Qaar ka mid ah Wasiiradan oo ku laba noqonaya Qasriga Madaxtooyadda kuwaasi isku dayaya inay ka badbaadaan Seefta Madaxweyne Siilaanyo.
Warar kale ayaa sheegaya in isku shaandhayntan uu ku jiro Maareeyaha Dekeda Berbera oo shaqada laga caydhinayo, iyadoo wararku ay sheegayaan in lagu soo celinayo Dekeda Berbera Maareeyihii hore ee Ruug cadaaga ahaa mudo badan xilkaasi hayay Eng Cali Xoor Xoor,iyadoo ay jiraan warar kuwaasi ka soo horjeeda oo dhigaya in maareeye kale oo aan ahayn Xoor Xoor la keenayo Dekeda. Xogahan ayaa intaa ku daray in Madaxtooyaddu masuulkan xilka uga qaadayso isku dhex yaac iyo maamul xumo laga soo sheegayo Dekeda Berbera iyo Shirkada Dp-World ee heshiiska ay Xukuumaddu kula gashay in lagu wareejiyo oo la sheegay inay dalbatay, oo ay aad u danayso in lagu soo celiyo Dekeda Eng Xoor Xoor oo aanay markii horeba ka raali ahayn in Xil ka qaadistiisa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...