Somaliland: Murrashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Ribeeyay Booliska, Kuna Eedeeyay Inay Qori ku Qabteen

Date:

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa fadeexadeeyay ciidanka Booliska Somaliland uu ku eedeeyay inay qori ku qabteen, taasi oo ilo xog ogaal ahi noo xaqiijiyeen inaanay jirin.

Mar uu shalay C/raxmaan Cirro, horkacayay koox siyaasiyiin ah oo ka socotay Xisbigiisa oo ciidanka boolisku u diideen inay galaan gudaha saldhiga dhexe oo ay ku xidhan yihiin Muniir Axmed Cigaal iyo Cali Mahdi Jibriil oo ku eedeysan inay nabarro gaadhsiiyeen qoraa la yidhaahdo Jaamac Jiir.

Mr. C/Raxmaan Cirro, ayaa ribeeyay, kana been sheegay ciidanka Booliska ee hadh iyo habeen u taagan ilaalinta nabadgelyada dalka, “Ciidanku waxay nagu soo fiiqeen Qoryahoodii, annagoo aan hubaysnayn waxbana aan sidanin.

Waxa kaloo intaa dheer in la xidhay gaadhigii Xoghayaha guud ee xisbiga. waxa kale oo la xidhay suxifiyiin meesha maraysay, dastuurka qarankuna waxa uu sheegayaa in muwaadiniinta haddii aan dambi lagu haysan 24 saacadood ka badan lama hayn karo,dhacdadaasina way soo noqnoqotay markii u horeysay ee saldhig boolis aniga shakhsiyan in la ii diido inaan cid soo booqdo,”ayuu yidhi Murrashax Cirro oo shalay u waramay warbaahinta.

Mr. Cabdiraxmaan Cirro waxa kaloo uu siyaasadeeyay xadhiga Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Golaha dhexe ee WADDANI iyo Weriye Cali Mahdi Jibriil oo isna ka mid ah Weriyeyaasha u shaqeeya xisbigaas oo loo haysto kiis la xidhiidha weerar ay ku faro-saareen Jaamac Jiir oo ka mid ah dadka warbaahinta sida joogtada ah ugu qora afkaartooda. “Waxaan cambaareynayaa xadhiga Muniir oo ah sarkaal sare oo xisbigayaga ka tirsan oo aan xisbigana lala soo socodsiin xadhigiisana aanu u aragno sharci darro inuu yahay, hase yeeshee arrinkaa umaan socon maanta (shalay) oo waxaannu u soconay inaanu soo booqanno,kadinka dibadda markaan joogay aniga iyo saraakiil badan oo xoghayaha guud ka mid yahay oo xoghayaha caddaaladdu ka mid yahay waxa dhacday ciidankii halkaa jooga waxay yidhaahdeen amar baa nalagu siiyay inaan lagu soo dayn adigoo guddoomiyihii baarlamaanka ah,”ayuu ku tiraabay Murrashax Cirro.

Ma aha markii u horreysay ee Cabdiraxmaan Cirro, cambaareeyo ciidanka Booliska, iyadoo horena uu dacwad ka dhan ah ciidanka RRU-da u gudbiyay dawlado shisheeye oo ku eedeeyay inay dhibaateeyaan shacbiga, dacwadaasi oo ray’ul caamku la yaabeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...