Somaliland: “Bankii Qool-caday Ee Maalintii Dhaweyd Ciidagaluhu Xabadaha Lasoo Baxeen Maantaa Lagu Baxsan Lahaa, Imikanna Iyagii Baa Dhaxani Ku Laysay Banka Wajaale Oo Aanu Huudhaydh U Diraynaa”

Date:

“Xagee Shaqo Laga Helayaa Ninkii Aan Wasiir Lahayni Shaqo Heli Maayee, Reerba Reerka Uu Ka Wasiirro Badan Yahay, Ayuu Ka Shaqaale Badan Yahay” Eng. Faysal Cali-waraabe,

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ahna murrashaxa xisbigaas Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka hadlay hoos u dhaca ku yimi adeeggii aasaasiga ahaa ee bulshada iyo weliba sida aanay shacabku ugu baraarugsanayn waxybaahaha horumarkooda horseedi kara.

Eng. Faysal oo ka hadlay munaasibad ay ardayi ku qablin jebinaysay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida bulshada reer Somaliland uga soo horjeeddo mashaariicda horumarkooda khuseeya, isla-markaana dhegta ugu raarixinayaan shakhsiyaad aan danta guud ka fikiranaynin.

Ugu horrayn Faysal Cali-waraabe, waxa uu farta ku fiiqay sida adeegyada bulshadu uga maqan yihiin gacanta xukuumadda, waxana uu tusaale usoo qaatay  dhibaatada xagga caafimaadka ah ee dalka ka jirta, taas oo si gaar ah u taabanaysa dadka aan haysanin baasaboorrada ajaanibka ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Caafimaadkii gacanta kuma hayno oo nin weliba meel buu farmasi yar ka furtay inaadeerkii oo uu miyi ka keenayna wuxuu ku yidhi Neeras baad tahaye dadka mud mud, waana daruuriyaadkii ay ahayd inay dawladdu qabatay, maalintii ay Faqashtu ina hayssatay ayeynu maanta ka cusbitaallo wanaagsanayn, maantana hal cusbitaal oo wanaagsan ma haysanno, dadkeenana qofkii aan Baasaboor haysani qabsin buu u dhimanayaa.”

Waxa uu intaas ku daray,“Wasaaradaheenu ma gaadhsiisna Burco, markaad magaalooyinka kale tagtona wasaarahada hal hal nin baa ka jooga, hay’adihii dawladduna xataa gobolladeenii may gaadhin.”

Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu xusay in qabyaalad iyo garasho maanta shaqooyinka lagu helo oo aan loo sinayn fursadaha shaqo ee soo baxay,“Xagee shaqo laga helayaa ninkii aan wasiir lahayni shaqo heli maayo, reerba reerka uu ka wasiirro badan yahay, ayuu ka shaqaale badan yahay, qaar baan xataa DG-na lahayne xagay carruurtoodu shaqo ka helaysaa, waa in waxaas la beddelo oo loo sinnaado shaqada”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Isaga oo ka hadlaya sida bulshadu uga hortimaaddo mashaariicda mashaariicda dalka waxtarka u leh, ayuu tusaale u soo qaatay mashruuca aan weli midho dhalin ee DPWorld,“DP World baynu keenay oo iyada oo socota inoo timi, wixii qaylo baxayeyna waad maqlayseen, markaa haddii maalgelintii uu nin dekedda qaad ka qaataa yidhaahdo qaadkaygaan waayayaa, yaahuu dhaha kaas” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in mashruucii dhawaan fashilka ku dhammaaday ee xukuumaddu doonaysay inay ku qayddo seerihii banka Qool-caday hadii uu hirgeli lahaa maanta oo xaalad abaareed lagu jiro loo aayi lahaa, waxana uu yidhi,“Bankii yaan la xidhin la lahaa ee maalintii dhaweyd ciidagaluhu xabadaha lasoo baxeen maantaa lagu baxsan lahaa, imikana Ciidagelihii waxay joogaan banka Wajaale oo ay dhaxani ku laysay oo imikaanu Huudhaydh u diraynaa, maanta la inoo furi lahaa bankaase ma saasaynu dawlad ku noqonaynaa, dawlad loo hanjabayaa ma dawlad baa.”

Waxa uu dhaliilay salaadiinta iyo cuqaasha inta badan talada umadda go’aamisa, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaan inaan horumar la gaadhi doonin inta cuqaasha talada la weydiinayo,“umaddu way inagu qoslaysaa oo dawladnimo garanmayno, caaqil iyo suldaan cumaamad yar qaatay baa inoo talinayee cumaamaddu ma qali bay soo kordhinaysaa, waana la ina dhaafay oo aniga iyo 40-jirkii Soomaaliya ayaa is haysanna” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...