Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dalkeeda ka mamuucday inay soo galaan qaxoontiga ka soo cararaya dagaaladda ka socda dalka Yeman, tallaabadaasi ayaa dambaysay ka dib markii xanuunka uu ka dilaacay dalka Yeman.
Sida uu noo sheegay badhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isagoo joogay magaaladda Berbera. Waxaanu tilmaamay badhasaabku in xukuumadda Somaliland ay amar ka soo saartay in aanay dalkeeda soo geli Karin qaxoonti dambe oo ka socda Yeman,
Qaxoontigii u dambeeyay ee ka yimid dalka Yeman ayaa Somaliland soo gaadhay habeenimadii Sabtidii todobaadkan, kuwaasi oo mudo laba habeen iyo laba maalmood ah ku dul xanibnaa doontii siday oo ku soo xidhatay dekadda magaaladda Berbera, iyadoo caafimaadkooda la baadhayay mudadaasi ka dib-na loo ogolaaday inay doonta ka soo degaan.
“Way jiraan qaxoontigaasi ilaa 48 qof ayay ahaayeen, oo isugu jiray Soomaali iyo Yemaniyiin, habeen hore (Sabtidii) ayay doonta siday ku soo xidhatay dekedda Berbera. Markaa maanta (shalay) intii dhakhaatiirta loo diyaarinayay ayay doonta ku jireen, waxaana jirta in cudurka chollera uu ka dilaacay dalka Yemen.
Markaa caafimaadkooda wax aan la hubin ma soo geli karaan dalka, inkastoo ay dawladu mamnuucday in aanay soo geli karin, qaxoonti ka yimid Yeman, laakiin maanta (shalay) markii ay dawladu hubisay dad iska rafaadsan inay yihiin, dhakhaatiirtu-na ay hubiyaan caafimaadkooda waa la soo daayay, habeen hore ayay doontu soo xidhatay Berbera, maanta (shalay) ayaanay qoladda caafimaadku u diyaargarawday, Qaxoonti dambe oo Yeman ka yimaada ilaa inta xanuunkaasi ka jiro, oo wadanka imanayaa ma jirto,”ayuu yidhi Badhasaabku.
Guddoomiyaha Saaxil waxa uu sheegay in tallaabaddaasi ay ku wargeliyeen, isla markaana la socodsiiyeen hay’adaha IOM iyo UNHCR oo kala shaqeeya xukuumadda Somaliland dejinta iyo qaabilaada qaxoontiga ka yimaada Yeman, waxaanu yidhi “Waanu kala hadal-nay hay’adaha UNHCR iyo IOM, waanan isla qaadanay, oo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa cid walba u sheegay E-mail-lo ayaa loogu diray, markaa qaxoonti danbe oo ka socda Yeman oo dalka iman karaa ma jiro ilaa inta xanuunkaasi Yeman ka dilaacay uu dhinac u dhacayo.”
Jaamac Yuusuf Axmed, waxa kale oo uu sheegay in qaxoontigan u danbeeyay ee Yeman ka yimid inay muddo toban maalmood ah sii joogi doonaan Berbera si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo caafimaadkooda. “Maya, meelihii ay u kala socdeen looma ogalaan in ay tagaan, toban maalmood ayay halkan (Berbera) ku hakanayaan, inta caafimaadkooda aad loo sii hubinayo” ayuu yidhi badhasaabka Saaxil.”
Dhinaca kale wuxuu sheegay badhasaabku in doonta ama markabka qaxoonti ka soo qaada Yeman in la ganaaxi doono, isla markaana xukuno lagu ridi doono. “Doonta danbe ee soo qaada dad kale oo qaxoontiga Yeman ka imanaya ah, ganaax iyo xadhig ayay mudan doonaan, waanan wargelinay dhamaantood.” Si kasta ha ahaatee Somaliland ayaa waxaa soo gaadhayay qaxoonti ka soo cararay dagaaladda Yeman tan iyo markii ay dalkasi ka qarxeen dagaaladda u dhexeeya dawladda Yeman iyo kooxaha jabhadda xuutiyiinta sanadkii 2014-kii, iyadoo Somaliland waktigaa ku dhawaaqday inay qaabilayso qaxoontiga Yeman ka imanaya. Waxaana dalka Somaliland ku sugan dhawr boqol oo qaxoonti Yemaniyiin ah, kuwaasi oo qaarkood ay ka shaqaystaan magaalooyinka, inkastoo tiro badan oo ka mid ah ay Somaliland uga sii gudbaan dhinaca dalka Jabuuti si ay codsiyo qaabilaadeed iyo qaxoontinimo uga helaan safaaradaha dalalka reer Yurub ay Jabuuti ku leeyihiin.