Marxuum-Ibraahim Aw Nuur Jiciir oo ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland ayaa si heer qaran ah loogu aasayaa Xabaalaha Naaso-hablood ee Hargeya.
ALLE ha u naxariistee waxa Salaasadda beri xabaalaha Naaso-hablood ee magaaladda Hargeysa, si heer qaran ah loogu aasayaa Marxuum- Ibraahim Aw Nuur Jiciir, oo ka mid ahaa odayaashii kaalinta weyn ka soo qaatay nabadeyntii beelaha Somaliland, oo muddo dhawr sannadood ah ku xanuunsanayay Hargeysa oo uu ku geeriyooday Isniintii maanta.
Marxuum-Ibraahim Aw Nuur Jiciir, muddo laba sannadood ka hor, iska casilay xubinimadii aqalka odayaasha (Guurtida) oo uu sheegay inaanu xanuun dartii u gudan karin waajiibaadkiisii shaqo, waxaana buuxiyay xubinimadiisii Golaha Guurtida wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Muuse Ibraahim Nuur.
ALLE ha u naxariistee waxa Marxuumku door weyn ka soo qaatay nabadeyntii beelaha iyo hubka dhigistoodii iyo dhismihii dawladnimadda Somaliland, sida uu noo xaqiijiyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda, Mr. Cumar Maxamed Faarax (Gaagaab).
“Marxuumku waxa uu ka mid ahaa odayaashii Guurtida ee waaweynaa, waxaanu door weyn ka soo qaatay nabadeyntii colaado beeleedyo ka dhacay galbeedka iyo bariga dalka oo Guurtidu horseed ka ahayd xasilintoodii. Wuxuu ahaa Xildhibaan Muxtarim ah oo taariikh dheer ku lahaa Golaha, wuxuu ahaa xildhibaanadii Golaha ku jiray mudada dheer ee soo galay sannadkii 1997-kii waxaanu ka soo jeeday Gobolka Togdheer,”ayuu yidhi Cumar Gaagaab.
Ku-xigeenka Xoghayaha Guurtidu waxa uu sheegay in fadhigii Golaha ee Salaasada la fasaxay si ay shirgudoonka iyo Mudaneyaashuba uga xaadiraan aas qaran oo loo sameynayo Marxuum-Ibraahim Aw Nuur Jiciir.
Sidoo kalena, Shirgudoonka Golaha Guurtidda, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku, waxaanay EEBE uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.