Somaliland: Xukuumadda oo ka hadashay Xadhiga Nin Sheegtay Madax-dhaqameed Aanu ahayn

Date:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay inaanu jirin qof madax-dhaqameed ah oo u xidhan dawladda, hase yeeshee waxay ku dooday in nin la yidhaahdo Cabdiraxmaan Diiriye Xaaji Ibraahim, oo iskii iskugu magacaabay xil madax dhaqameed oo aanay ciddi u doorani ku xidhan yahay Magaaladda Burco. Ninkaasi waxa uu muddo 24 maalmood ah ku xidhan yahay magaaladda Burco.

Wasiir ku-xigeenka maamulka gobollada ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, Jaamac Cabdilaahi Biin, oo warbaahinta ugu waramay xafiiskiisa, ayaa sheegay in ninkaasi uu iska sheegtay saldanad beeleed oo aanay jirin cid ku caanno shubtay.
“Waxaa lagu xidhay ninkan been abuur uu ka been abuurtay Sandalad aannu ahayn, loona caleemo saarin , waxa xadhigiisa dhaliyay Ugaasnimada uu sheegtay ee been abuurka ah, maxkamadna waanu ku geynaynaa,”ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Daakhiligu.

Wasiir ku-xigeenka oo la weydiiyay waxa ka jira in Cabdiraxmaan Diiriye Xaaji Ibraahim, loo xidhay ka dib markii uu dhawaan isaga iyo taageereyaal la socday ay magaaladda Burco kaga biireen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxa uu sheegay in aanu jirin qof Somaliland ku nool oo loo xidho ka mid noqoshada axsaabta mucaaridka ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...