Dadka deegaanka oo ka mahad-celiyay kaalinta Wasiir Samsam ee gurmadka abaaraha
Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan iyo wefti ay hoggaaminayso, ayaa safar kormeer ah ku tegay degaanka Coodanle oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle ee bariga Somaliland, halkaasoo ay cunto, dawo iyo biyo ku gaadhsiiyeen dadka abaaruhu saameeyeen ee ka soo hayaamay Gobollada Sool, Sanaag, Saraan iyo qaybo ka mid ah Togdheer.
Weftiga Wasiirka Maaliyadda oo ay xubno ka ahaayeen Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Qabo, Maayarka Burco Md. Maxamed Yuusuf Muraad, Badhasaab-ku-xigeenka Buuhoodle, Madaxa Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada marwo Aamina Maxamuud Diiriye iyo koox dhakhaatiir ah oo u dhalatay dalka Masar, waxayna taakulooyin kala duwan gaadhsiiyeen dadka dhibaatooyinka abaartu haysato.
Waxa kale oo ay kormeer ku sameeyeen riigga biyaha ka qodaya degaanka Coodanle oo isagu muddo saddex maalmood ah sida la sheegay ku gaadhay biyo, isla markaana la filayo inuu wax badan ka tari doono biyo la’aanta ka jirta deegaankaas ay ku soo urureen dadka abaaruhu soo baro-kiciyeen, waxa kaloo ay masuuliyiintu indhahooda ku arkeen dadka iyo xoolaha oo labadaba ay jilcisay abaartu, kuwaasoo ay haraadka u raaceen cunto la’aan iyo caafimaad darro.
Sidoo kale kooxda dhakhaatiirta ah ee la socday waftiga Wasiirka Maaliyadda ayaa markii ay gaadheen deegaanka Coodanle markiiba bilaabay hawlihii dawaynta dadka jilicsan iyo xoolahooda-ba.
“Ilaahay (SWT) waxaannu ka baryeynaa inuu inaga jabiyo abaarta, dadka halkan iskugu yimmi aad bay u badan yihiin, dhibaataduna aad bay u ballaadhan tahay oo biyo la’aan iyo raashin la’aan baa jirta, midda kale haddii dadkan la rari lahaa qaar baa wata 500 geel ah iyo ka badan oo adhi ah, markaa ma suurta-galayso in dadkan kaam la iskugu geeyo. Maalintii hore woxogaa raashin ah ayaanu keenay halkan oo waxa nala socday qolada Samsam Foundation oo 400 qoys raashinkoodii oo isku jira sonkortii, daqiiqdii, saliidii iyo timirtii iyagu siday.” Sidaa waxa tidhi Wasiirka Maaliyadda oo saxaafadda kula hadashay degaannada ay kormeerka ku mareen shalay.
Waxayna intaas ku dartay; “Waxaannu ku soo darnay 500 buste, 88 kartoon oo kalluun ah iyo 500 caano ah, waxa kaloo ay qoladan Samsam Foundation keentay dhar carruurta iyo dumarkuba xidhan karaan. Mida kale maamulkan gobolka Togdheer iyaguna maanta (shalay) waxay keeneen 20 booyadood oo biyo ah, waxaananu ku tashanay inaanu ku wareejino ciidanka qaranka ee jiidan jooga iyo guddida abaaraha si baabuurta dushooda loogu qaybiyo alaabta, isla markaana muhiimada loo kala siiyo sida ay u kala mudan yihiin. Dhakhaatiirtii Masaarida ahayd iyaguna waxay maanta halkan ku daweeyeen boqolaal dadwayne ah iyo xoolahoodii, markaa dhibaatada halkan ka jirtaa aad bay u baaxad wayn tahay.”
“Insha Allaah waxaanu arrintan oo ah mid aad u adag aanu kula noqon doonaa Madaxwaynaha Qaranka oo isagu mar walba arrintan xil iska saarayey, isla markaana hore noogu amray in riig la keeno deegaanadan si degdeg biyo loogaga soo saaro. Waxaana inala gudboon inaynu ducaysano dhammaanteen oo aynu Ilaahay barino si uu inoogu shubo raxmadiisa Insha Allaah,” ayey tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Qabo iyo Maayirka Burco Md. Maxamed Yuusuf Muraad oo iyaguna halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa tilmaamay inay xaalad adag ku sugan yihiin dadka deegaanka Coodanle iskugu soo ururiyey oo ay sheegeen inay u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo ka ballaadhan ka ilaa imika soo gaadhay.
Masuuliyiintan heer gobol iyo heer degmo waxay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam ku ammaaneen dededaal ay sheegeen inay u galeen sidii wax loogu qaban lahaa dadka abaaruhu ku haleeleen deegaanada bariga Somaliland, kuwaas oo tibaaxay inay door muhiim ah ay ka qaateen arrimahaasi.
Ugu danbeyn, xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Buuhoodle, ayaa halkaasi shahaado sharaf ku guddoonsiiyey Wasiirka Maaliyadda marwso Samsam Cabdi Aadan oo ay ku tilmaameen shaqsi u hagar baxday dadka ay ku habsadeen abaaruhu, taasoo ay ku ammaaneen iyada iyo Madaxwaynaha-ba doorka ay ka qaateen gargaarka dadkaasi.