Somaliland: Mubaarig Bidhi oo deeq kala duwan Gaadhsiiyay Degaanada Qaloocan iyo Dhagax-dheer

Date:

Xildhibaanku waxa uu mushaharkiisa ugu deeqay bulshadda abaareysan ee ku dhaqan jiidihii laga soo doortay

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha deegaanka degmadda Burco ee gobolka Togdheer, ayaa deeq kala duwan gaadhsiiyay bulshadda abaarta kululi saameysay oo ku kala dhaqan deegaamadda Dhagax-dheer iyo Qaloon oo ah jiidihii laga soo doortay Xildhibaanka.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxa deeqda uu gaadh siiyay labadaas deegaan ay iskugu jirtay Timir, Buskud iyo Biyo. Waxa kaloo uu waxgaradka deegaanka gaadh siiyay dawooyin kuwa xoolaha ah oo loogu tallo-galay in lagu daweeyo xoolo tiradoodu tahay 4000 oo neef, maadaama xooluhu dadka ka baxeen isla markaana inta yar ee u soo hadhay ay aad u tamar dareeyeen.

“Waxaan booqday degaannada Dhagax-dheer iyo Qaloocan oo ka mid ah degaannada ay abaartu ba’an ee ka jirta gobollada bari saameynta ku yeesheen, socdaalkayagu waxa uu la xidhiidhay xog ogaal u noqoshada xaaladda abaarta. Waa markii saddexaad ee aan imaado labadan meelood, Badhasaabka Togdheerna hore ayuu u yimid,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Bidhi, waxaanu halkaasi kaga dhawaaqay inuu go’aansaday in mudada abaaruhu jiraan oo dhan ugu deeqo mushaharkiisa dadka abaartu tabaaleysay ee soo doortay.

“Waxaan sidaa dawooyin aan Salaasadii ka soo qaaday wasaaradda xanaanada xoolaha oo loogu talogalay in lagu daweeyo xoolo tiradoodu tahay 4,000 oo neef oo laba kun oo ka mid ahi ay leeyihiin reer Dhagax-dheer, halka 2 kun ee kalena loo daweyn doono xoolaha ku dhaqan Qaloocan,”ayuu yidhi Xildhibaanku, waxaanu intaas ku daray “Waxa kale oo aan si shakshiya u soo qaaday oo aan madaxda w ku wareejinayaa 160 kiiloo oo timir ah iyo buskud.”

Mubaarig Yuusuf Cilmi waxa uu sheegay inuu wixii uu ku soo arkay degaamadan uu warbixinteeda horgeyn doono guddida gurmadka abaaraha gobolka Togdheer, waxaanu tilmaamay in labadaas degaan uu culays badani saaran yahay kaas oo dhashay dadka ka soo hayaamay gobollada kale ee ku sugan Qaloocay iyo dhagax-dheer.

Geesta kalena,Guddoomiyaha Qaloocan, Cabdi Maxamed Jaamac iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Dhagax dheer, Cali Cismaan Nuur, ayaa sheegay inay si weyn ugu mahad-celinayaan Xildhibaankan oo wixii karaankiisa ahaa soo gaadh siiyay degaankooda, waxaanay ku tilmaameen masuul karti leh oo si dhow ula socda duruufta adag ee bulshadiisu ku sugan tahay wakhtigan abaarta kululi ka jirto qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Togdheer iyo gobollada bari ee kaleba.
Waxa kale oo ay ku amaaneen tallaabada uu mushaharkiisa ugu deeqay dadka abaaruhu hayaan ee ku dhaqan degaanadii laga soo doortay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...