Somaliland: Qunsulka Itoobiya Ee Somaliland Oo Baahiyay Qodobada Iyo Heshiisyo Itoobiya Iyo Somaliland Ku Gaadheen Addis Ababa.

Date:

Qunsulka dawladda Itoobiya u jooga Hargeysa Danjire Brig Gen Mr. Berhe Tesfaye ayaa faahfaahin balaadhan ka bixiyey iskaashiga dalkiisu la wadaago Somaliland, isla markaana shaaca ka qaaday in isfaham heer sare ka gaadheen iskaashi ay ka yeeshaan la dagaallanka argagixisada, arrimaha tahriibka iyo isdhaafsiga macluumaadka dambiilayaasha kale.

Qoraal warbaahinta loogu tallogalay oo Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Mr. Tesfaye shalay soo saaray ayaa lagu sheegay si loo dhiirigeliyo iskaashiga labada dhinac wadaagaan ay booqashooyin rasmi ah oo heer sare ah iyo kulamo guddiyada farsamo isdhaafsadeen labada wadan.

“Isfaham heer sare ayey ka gaadheen iskaashi laga yeesho la dagaallanka argagxisada, arrimaha tahriibka iyo isdhaafsiga macluumaadka dambiilayaasha kale,.” Ayuu yidhi Mr. Berhe Tesfay, safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland.

Mr. Tesfay ayaa qoraalkiisa warbaahinta loogu tallogalay u dhignaa sidan:

Wefdi ka socda Somaliland oo u hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Itoobiya 29 bishii October, halkaasoo kulan la qaateen Raysal-wasaaraha Itoobiya, Md. Hailemariam Desalegn arrimo dhinacyo badan oo la xidhiidha danaha labada dal iyo danaha caamka ah.”

Labada hoggaamiye waxay kulankooda isku waydaarsadeen aragtidooda sii baaadhinta iskaashiga hadda jira ee ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, iyo sidoo kale isku xidhka labada dal, sida kaabayaasha iyo horumarinta dekedda Berbera oo Itoobiya xiisaynayso adeegsigeeda. Waxay sidoo kale isku raaceen in si wada jirlooga hawlgalo xaqiijinta nabadda iyo ammaanka gobolka iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhinaca kale, qoraalka uu shalay soo saaray Mr. Berhe Tesfay, safiirka Itoobiya ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, kula kulmay dhigiisa Itoobiya Dr.Tedros Adhanom magaalada Addis Ababa.

“Kulan ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobita Dr.Tedros Adhanom magaalada Addis Ababa, oo lagaga hadlay iskaashiga labada wadan wadaagaan, waxay ku gaadheen heshiis dhinacyada Itoobiya iyo Somaliland kaga wada shaqeeyaan oo arrimaha dhaqaalaha, ammaanka, horumarinta arrimaha bulshada ay ku jiraan, iyo sidoo kale baahida loo qabo dhismaha iyo dayactirka wadadda u dhexeysa Berbera iyo magaalo-xuduudeedka Tog-wajaale oo muhiim u ah xidhiidhka iskaashiga ganacsiga ee dejinta iyo dhoofinta u dhexeeya labada dal.

Mr. Tesfay ayaa sheegay in dhismaha kaabayaasha Itoobiya sii wadi doonto inay ka taageeraan Somaliland dhinacyada, Ciidamada, booliiska, Sirdoonka, Ciidamada Xeebaha iyo Laanta Socdaalka.

Sidoo kale, masuuliyiin kala duwan oo hay’adaha iyo wasaaradaha Somaliland ayaa tababaro muddo gaaban iyo wakhti dheer ku soo qaata Itoobiya, taasoo sannad-dugsiyeedkan dalka Itoobiya deeq waxbarasho shahaadada jaamacad koowaad iyo labaad siisay arday gaadhaysa 130 reer Somaliland ah.

Si loo horumariyo iskaashiga u dhexeeya labada shacab iyo labada xukuumadood ee Itoobiya iyo Somaliland oo sii horumaraya sannad-ba sannadka ka dambeeya, waxuu ku yimi isfaham iyo wadaagida iskaashi micno leh.

Qoraalka ka soo baxay safaarada Itoobiya ku leedahay Somaliland, kuna saxeexnaa Mr. Berhe Tesfay, safiirka Itoobiya ayaa lagu soo xidhay,

“Guud ahaan wadaxaajoodka labada wadan ayaa lagu soo qaaday arrimo kala duwan oo u baahan in dedaalo wadajir ah looga midho-dhaliyo, laykuna qaatay qorshahii mustaqbalka loo sii xoojin lahaa xidhiidhada xilligan ay wadaagaan.

Qoraalka Brig Gen, Mr. Berhe Tesfay, safiirka Itoobiya u qaabilsan Somaliland kaga hadlay iskaashiga dalkiisu la wadaago Somaliland ayaa yididiilo balaadhan u noqon doona xidhiidhka wakhtigan iyo mustaqbalka wadaagaan, loona baahan shacabka Somaliland si weyn u soo dhoweeyaan, iyo siduu u sii kobci lahaa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...