Ciyaartoyda kooxda koowaad ee Manchester United ayaa la sheegay inay yihiin ciyaartoyda mushaharka ugu badan la siiyo kooxaha kubada cagta dunida.
Sida ay sheegtay Daily Mirror, Red Devils ayaa u sarre martay ra’iyi uruurin laga qaaday ku dhawaad 10 kun ciyaartoy isboorti ah oo u ciyaaraya 333 kooxood oo todobo isboorti oo kala duwan ah oo ka dhisan 17ka horyaalo ee ugu qanisan caalamka.
Waxa ay taasi la micno noqotay in Man United mushaharkooda celcelis ah uu sannadkii gaarayo 5.77 milyan ginni waana kan ugu badan dunida kubada cagta inkastoo aysan waqti guulo ah ku jirin haatan, laakiin weli uma dhawa kooxaha kale ee isboortiga caalamka.
Ra’yi uruurintaan ay sameysay Global Sports Salary Surver (GSSS) ayaa sidoo kale lagu ogaaday in celcelis ahaa ciyaartoyda Premier League inay qaataan sannadkii 2.4 milyan ginni, waana lab0 jibaarka lacagta ay qaataan ciyaartoyda ka ciyaara horyaalada waa weyn ee La Liga, Serie A iyo Bundesliga.
Si kastaba, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo labada ka ciyaara horyaalka La Liga ayaa loo magacaabay ciyaartoyda kubada cagta ee ugu mushaharka badan caalamka, iyagoo qaata 18,98 milyan ginni midkiiba sannadkii.
Laakiin 10ka kooxood ee ugu mushaharka badan isboortiga caalamka, kaliya seddex kooxood oo kubada cagta ayaa ku jira inta kale waa kooxo kubada Kolayga ama Baseball.
FG: Lacagta waa celcelis, waxaa la isku daray lacagta xiddigaha ugu mushaharka badan ilaa iyo xiddigaha ugu mushaharka hooseeysa ee koox walba, waxaana loo qeybiyay tirada ciyaartoyda ee kooxdaas joogta, maxsuulka ka soo baxay ayaana noqday celceliska mushahar ee ay koox walba bixiso.
1. Cleveland Cavaliers
Celceliska mushaharkooda: £6.54m
2. New York Yankees
Celceliska mushaharkooda: £5.81m
3. LA Clippers
Celceliska mushaharkooda: £5.78m
4. Manchester United
Celceliska mushaharkooda: £5.77m
5. Barcelona
Celceliska mushaharkooda: £5.64m
6. Portland Trail Blazers
Celceliska mushaharkooda: £5.59m
7. Memphis Grizzlies
Celceliska mushaharkooda: £5.51m
8. Dallas Mavericks
Celceliska mushaharkooda: £5.50m
9. Manchester City
Celceliska mushaharkooda: £5.42m
10. Orlando Magic
Celceliska mushaharkooda: £5.38m