Tan iyo Markii uu bilaamay wadahadalkii u dhexeeyay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Xukuumadda Somaliland,waxa jiif iyo joogba diiday Siyaasiyiinta Gobolka Sool iyo Buuhoodle ka soo jeeda ee Mansabyada ka haya Xukuumadda Maddaxweyne Siilaanyo,Iyadoo mid waliba uu ka cabsi qabo inuu Heshiis ay gaadhaan Khaatumo iyo Xukuumaddu saamayn ku yeelan karo Kursigiisa,islamarkaana Waxa ay qaarkood bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay kaga gaashamanayaan arimahaasi.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md Saleebaan Ciise Cumar (Xagla-Toosiye) oo ka mid ah Siyaasiyiinta ay sida wayn isku hayeen Cali Khaliif Galaydh,Islamarkaana dhawr jeer ku sigteen inuu dagaal dhiig ku daatay ku dhex maro Magaaladda Buuhoodle ayaa ka mid ah siyaasiyiinta saska ka qaba soo xero galinta Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Gaydh,waxaanu isku arkaa inaanay arintaasi isaga dan siyaasadeed u ahayn,marka uu ka eego dhawr jiho. Waxa uu ka cabsi qabaa in Heshiiiska lagu soo Xero-galinayo uu ku jiro Mansab la siiyo Cali Khaliif,taasina ay si toos ah u taabanayso Kursigiisa,Maadaama oo ay isku deegaan ka soo wada jeedaan.
Wasiir Xagla-Toosiye ayaa bilihii u dambeeyay hawlo shaqo ka waday Gobolka Sool,gaar ahaan Magaalada Laascaanood oo uu xiitaa maalmahan u dambeeyay ku sugan yahay,waxa uu boodhka ka jafay Gobolkaasi waxaanu ka fuliyay Arimo aanu ka gaysan intii uu Xilka Wasaaradaasi Joogay. Wararka naga soo gaadhay Xalay Magaalada Laascaanood ayaa tibaaxay inuu Wasiir Xaglo-toosiye Mashaariic kala duwan ka fuliyay Laascaanood,isagoo sida la sheegay Xarunta Caafimaadka Gobolka Sool ku wareejiyay Gaadiid iyo Ambalaansayada Caafimaadka u gaarka ah,arintaasi oo dareen gaar ah ku dhalisay Dadka ku dhaqan Gobolkaasi oo u fasirtay in dhaq dhaqaaqyadan ku soo beegmaya wakhti ay Xukuumaddu soo afmeertay Kooxdiii dagaalka ka waday Gobolkaasi ee Khaatumo,oo uu Wasiiirku arimo kale hoos wado oo aanay arintani ahayn mid la xidhiidha arimihii caadiga ahaa ee shaqada ku saabsanaa,laakiin tartan iyo Dagaal uu Cali khaliif kula-jiraa ay ku lamaan tahay,islamarkaana uu doonayo inuu kalsoonida Shacabka reer Sool Kasbado ka hor intaanu Cali Khaliif soo xero galin.
Dhinaca kale,Waxa dhawaan Gobolka Sool lagaga dhaqaaqay jabhad kale oo lidi ku ah Wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo,taasi oo loo magac bixiyay “Midnimada Kooxda Khaatumo”,waxaana si weyn Gobolkaasi looga hadal hayaa inay Jabhadaasi ka dambeeyaan Siyaasiyiinta Xukuumadda kaga jira Gobolka SOOL ee aan raalida ka ahayn Soo xero galinta Siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo la filayo in uu heshiis la gaadho xukuumadu.
Somaliland: Wasiir Xaglo-Toosiye Oo Ku Mashquulsan Dagaal Diblomaasiyadeed Iyo Dhaqdgaqaaq Hoose Oo Uu Kaga Gaashaamanayo Imaatinka Cali Khaliif Iyo Dhaq Dhaqaaqyo Is Fasiraya Oo Ka Socda Gobolka Sool
Date: