Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Gows Adaygaya Bixinta Qaadhaankii Ay Sheegeen Inay Mushaharkooda Uga Goynayaan Abaaraha.

Date:

Kal-fadhigii 31-aad golaha wakiillada Somaliland, ayaa maanta oo sabti ah toddobaadkiisa labaad gelaya, waxana mudanayaasha aqalkaasi weli diiddan yihiin inay shaaciyaan qaddarka qaadhaanka ay kaga qaybgelayaan abaaraha baahsan eek a jira gobollada bariga dalka.

Mudanayaasha wakiillada ayaa intii kal-fadhigooda 31-aad lagu jirey waxa ay fadhiisteen muddo afar maalmood ah, waxana ay maanta gelayaan maalintii shanaad, balse ilaa iyo haatan ma jirto wax qaadhaan cayiman ah oo ay si wada jir ah ugu dhawaaqeen inay mushaharkooda uga jarayaan dadkaas abaartu taabatay.

Xildhibaanada wakillada oo in badan oo kamid ahi kasoo jeedda gobollada ay abaartu ka jirto, ayaa sidoo kale meel hoose kaga jira ololaha la doonayo in lagu taakuuleeyo dadka iyo duunyada dhibta abaartu gaadhay, waxana ay ka gaabsadeen inay xataa baaqyo lagu xoojinayo qaadhaanka abaarta loo ururinayo ku dhiirradaan.

Mudanayaasha wakiillada oo tiradoodu dhan tahay 82-mudane, ayaa mid weliba waxa uu mushahar u qaataa lacag gaadhaysa ilaa $2,000(laba kun oo dollar) oo saafi ah marka laga jaro lacagaha kale eek al-fadhiyadooda ku qaataan, waxana ay safka hore kaga jiraan cidda lacagta ugu badan ka qaadata qarankan curdinka ah ee dadkiisa inta badani iska camal la’ yihiin, iyada oo kuraasida ku fadhiyey muddo ka badan 11-sanadood.

Shacabka ayaa weli sugaya jawaabta ay wakiilladu ka bixin doonaan abaarta baahsan ee gobollada bariga ka jirta, maadaama si weyn loo tuhun yahay in lacagaha xad-dhaafka ah ee golahaasi u xaadiro haddii wuxuun laga soo gooyo ay wax badan ka tari doonto dhibaata abaareed ee deegaanadaas ka jirta.

Dhawaan ayey ahayd markii golaha guurtida Somaliland ay ku dhawaaqeen inay qaadhaan gaadhaya in xildhibibaan waliba laga jari doono 2000,000(laba milyan) oo shilinka Somaliland ah, taas oo uu si hal adaygnimo ah u maamulay guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu mudanayaasha ku dhiirrigeliyey inay dadkooda wax la qaybsadaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...