Arsenal Oo U Jawaabtay Werder Bremen Ka Dib Markii Ay Kooxda Jarmalka Ku Maadeysatay Gunners Xalayto.

Date:

Arsenal ayaa u jawaabtay Werder Bremen ka dib markii kooxda Jarmalka ay isku dayeen inay Arsenal ku duraan seddexleydii uu dhaliyay xiddigooda hore Serge Gnabry.

Xiddiga Gunners ku hungoobay ayaa u saxiixay kooxda Bundesliga ka dhisan xagaagii la soo dhaafay, isagoo seddexleey dhaliyay kulankiisii ugu horeysay ee xulka waa weyn ee Jarmalka ee kulankii xalayto ay 8-0 ku xasuuqeen xulka liita ee San Marino.

Bremen oo lacag gaareysa 4 milyan ginni ku qarashgareysay saxiixa Gnabry ayaa xusuusisay Arsenal sida uu u fiican yahay da’ yarkaan.

gnabry1 gnabry2

Waxa ay qoraal ay soo dhigeen Twitter ay ku lifaaqeen kooxda Arsenal iyagoo ka hadlayay afar qodob:

1- Kulankiisii ugu horeysay ee Jarmalka

2- Seddexleey uu dhaliyay

3- Guul 8-0 ah

4- Arsenal

Waxaana qoraalkaas loo qaatay dhowr micno tan hore inay xusuusinayaan Arsenal xiddigii ay iska fasaxeen xagaagii iyo sida uu u fiican yahay iyo sidoo kale inay booska afaraad Arsenal ku durayaan madaama ay inta badan ku dhameysanayeen booskaas xilli ciyaareedyadii u danbeysay.

Laakiin Gunners ayaa qosolka ku danbeysay, iyadoo ugu jawaabay sawirka xiddigoodii hore Ray Parlour oo dabaaldegaya.

Waxaana ay raaciyeen fariin aheyd: “Anagoo weli ka hadleyna seddexleyda, ma xusuusataan tan?”

Sawirka sida inta badan taageerayaasha Arsenal ay xusuustaan waa Ray Parlour kaasoo seddexleey ka dhaliyay Werder Bremen kulankii ay Arsenal 4-2 ku garaacday ee UEFA Cup ee ka dhacay Jarmalka bishii March 2000.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...