Kooxda xaalada xun ku jirta ee Manchester United ayaa u safreysa kooxda ka sii daran ee Swansea iyadoo raadineysa iney meel iska dhigto dhibaatada ay la daalaa dhacayaan bilowga xili ciyaareedkaan cusub.
Kulanka: Swansea Vs Man United
Garoonka: Liberty Stadium
Saacada Geeska Afrika: 7:00 Fiidnimo
Wararka Labada Koox:
Kooxda kaalinta sideedaad ku jirta ee United ayaa raadin doonta iney soo yareyso farqiga dhibcaha ee kala dhexeeya sadexda koox ee ugu sareeya horyaalka ee Manchester City, Arsenal iyo Liverpool iyo waliba kooxda Chelsea marka ay u safraan koofurta Wales.
Kooxda ay baqdinta ku heyso Swansea ayaana wax guul ah gaarin tan iyo maalintii koowaad ee horyaalka wuxuuna Bob Bradley u keenay kooxdiisa kaliya hal dhibcood tan iyo markii uu la wareegay shaqada kooxdaasi.
Garabka Swansea Jefferson Montero ayaa raadin doona ku bilaabashadiisii koowaad ee xili ciyaareedkaan wuxuuna kooxdiisa ka maqnaa tan iyo bishoo sagaalaad.
Kyle Naughton, Stephen Kingsley iyo Leon Britton ayaa dhamaan diyaar u ah kulankaan
Paul Pogba ayaa shaki laga muujinayaa kulanka Swansea halka Mourinho uu mari doono ganaaxiisa halka kulan ah si lamid ah Ander Herrera.
Antonio Valencia (gacanta) iyo Eric Bailly (jilibkae) ayaa dhamaan seegi doona halka daafaca Chris Smalling (cagta) shaki laga muujinayo.
Bastian Schweinsteiger ayaana safan doonin kulankaan halka Michael Carrick iyo Memphis Depay ayaa labadaba ku soo laabtay kooxda.
Xaqiiqooyinka Kulanka:
Swansea ayaa guuleystay sadex kamid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen United.
United ayaa guuldareystay labadii kualn ee Premier League ee ay booqdeen Swansea, waxayna kaliya sadex guuldaro oo xiriir ah oo marti ah ay kasoo gaartay kaliya Chelsea, Everton, Liverpool iyo Southampton.
Lix kamid sideedii kulan ee ugu danbeeyay ee labadaan ayu kulmaan ayaa ku dhamaaday 2-1 (afar guul Swansea, labo United).
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:
Manchester United: De Gea; Darmian, Blind, Rojo, Shaw; Carrick, Fellaini; Mata, Rooney, Martial; Ibrahimovic
Swansea:Fabianski; Rangel, Hoorn, Amat, Taylor; Fer, Ki; Barrow, Sigurdsson, Routledge; Llorente