Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in uu xuquuqdiisa ah in la doorto wax uu uu doorto uu u dagaalami doono ilaa daqiida u danbaysa. Sidoo kale wuxuu beeniyay warar laysla dhexmaraayay maal mihii u danbeeyay oo sheegayay inuu u tanaasulay Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi warkaas oo uu ku tilmaamay been aan sal iyo raadtoona lahayd. Sidaana wuxuu ku sheegay qoraal u dhignaa sidan.
“Dhamaan taageerayaasha xisbigga UCID iyo bahda aanu asxaabta ka nahay, iyo shicibka Somaliland waxaan u sheegayaa in wararkaasi beryahaasi laysla dhexmaraayey aanay sal iyo raad toona lahayn oo aanan murashaxnimaddii codka aqbaliyadda ahayd laygaga doortay shirkii golaha dhexe ee Xisbigga UCID ee aan murashaxa ku noqday aanan cidna uga tanaasulin,xisbi kalena aanan gelin, welina aan ahay xisbiggii UCID ee aan hormoodka ka ahaa inuu markale noqdo Xisbi xaakim. Ilaa halka ugu danbaysa sidaan hore u sheegay waanu la gudhinaynaa.
Sharcigu hadduu shaqayn waayo oo ay cadaaladdu shaqayn weydana kuwa cadaalad daradda wax ku doonaya iyaga ayeey nasiib daradda ugu weyni ay qabsan doontaa. Dhalinyaradda waxaan leeyahay ilaa aad wax afkayga ka maqashaan ha rumeysanina sida kun dacaayadood oo hore waa laygu sameeyeyba.
Waxaad ogaataan waxa aan wax ku ahay ummadayda, dhalinyaraduna ha ogaato in garabkiinii iyo taageeradiinii aan u baahanahay. Ilaa maalintaan siyaasadda soo galay ee xisbiggii UDUB murashaxa ka noqday dagaal baa laygu bilaabay oo waa tii aniga daraaday loo burburiyey xisbigga UDUB si aanay murashaxnimadaydii u sii jirin, imikana sidii si la mid ah baa dagaalkii loogu wadaa xisbigga UCID.
Waanu u dhabar adaygaynaa sidii aanu u badbaadin lahayn xisbiggan UCID ee hogga lagu wado; ilaa aan badbaadadaasi midho ka keenana dagaalku waa halkaygii. Samadda ayeey ka qoran tahay qofka dalkan u tallin doona; ee Ilaahay cid hagaagsan haw dooro ummaddayda. Dhamaan waxaan u mahadnaqayaa dadkii i barbar istaagay ilaa intii aan halganka ku jiray. Ilaahay kheyr haydin siiyo; dalkeena in aynu isbedel ka samayno oo siyaasi ku saaqiday siyaasadda aynu ka badbaadino waa lama huraan iyo waajib ina wada saaran.”
Jamaal Cali Xuseen.