Dawladda Imaaraadku waxay Xidhiidh la leedahay Masar Oo Ay Dawladda Itoobiya Isku Hayaan Biyaha Webiga Niil-ka
Kadib markii Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayaa Jimcihii doraad Safar deg-dega ah ugu baxeen dalka Itoobiya, ayaa waxaa ujeeddada Socdaalkaasi kasoo baxaya Warar kala duwan.
Xogaha uu Wargeyska Himilo ka helay Ujeeddada socdaalka Madaxweynaha ayaa sheegaya inuu Magaalada Addis Ababa ku tagay Codsi uga yimid Raysal-wasaaraha Itoobiya, si ay uga wada-hadlaan Qadiyadda Saldhigga Ciidan ee Madaxweynaha Somaliland uu Dawladda Imaaraadka u ogolaaday inay ka samaysato Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.
Xogaha aanu helayno ayaa sheegaya in Raysal-wasaaraha Itoobiya Haila Mariam uu doonayo inuu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo culays ku saaro sidii uu uga noqon lahaa ogolaanshaha uu Dawladda Imaaraadka ugu ogolaaday inay Saldhig Ciidan ka dhisato Magaalada Istaraatiijiga ah ee Berbera, maaddaama oo Dawladda Imaaraat-ka Carabtu xidhiidh wanaagsan la leedahay dalka ay Itoobiya isku hayaan biyaha Webiga Niilka ee Masar.
Waxaan la saadaalin karin Go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland ka qaadan doono qorshaha Itoobiya ku diiddan tahay in Imaaraadku uu Saldhig ka samaysto Berbera.
Dhanka kale, Siyaasiga Cabdiraxmaan Cadami oo dhawaan ka qaybgalay falanqeyn ay qabatay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa sheegay in Saldhig Ciidan oo dawladda Imaaraatku ka sameysato Somaliland ay ku dagaalami doonaan Ciidamada Dalka Masar oo Xafiiltan Dhinaca biyaha ahi ka dhaxeeyo Dalka Itoobiya. Hasa-ahaatee Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo Warbaahinta la hadlay maalintii Madaxwaynuhu dalka ka dhoofay ayaa sheegay in safarka Madaxwayne Siilaanyo la xidhiidho arrimo sii xoojinaya Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.