Somalia: Dawladda Turkiga Oo Walaac Ka Muujisay Doorashooyinka Maamulka Muqdisho

Date:

Safiirka Dawlada Turkiga u qaabilsan dalka Soomaaliya Ambasador Olgan Bekir, oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgelinta doorashooyinka dadban, ayaa walaac ka muujiyay Faragalinta dawladaha shisheeye ku hayaan Doorashada dalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa qoraal uu ku baahiyay Barta FACEBOOK ee safaarada Turkiga ku muujiyay niyad xumi ka dhalatay fara gelinta shisheeye ee hawlaha geeddi socodka doorashooyinka Dalka Soomaaliya iyo qaabka loo maamulayo sida.

Kulankan oo khamiistii ka dhacay xarunta Safaaradda Turkiga ayaa lagaga halday sida loogu guuleysan karo caqabadaha amni iyo mid dhaqaale ee ka hor iman kara doorashada Somaliya.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Avv. Cumar Dhagey ayaa u xaqiijiyay Safiirka Turkiga inay ka go’an tahay in doorashada ay ku dhacdo hab cadaalad ah.

Turkiga oo xilligan Faragalin Siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ku leh dalka Soomaaliya ayaa muuqda inaanu wax faragalin ah ku laheyn arrimaha doorashooyinka Soomaaliya .

Sidoo kale waxaa muuqata in dawladda Turkiga ay tartan adag kala kulmayso Imaaraadka Carabta oo xilligan u muuqda mid saameyn ku yeelanaya Siyaasada Soomaaliya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...