Somaliland: KULMIYE Oo Beeniyay In Wasiir Maxamuud Xaashi Loo Wado Guddoomiyaha Xisbiga.

Date:

Guddoomiye-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere oo shalay shirjaraa’id qabtay, ayaa wuxuu ka jawaabay warar ay warbaahintu baahisay oo sheegaya in wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi uu noqonayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. “Waxaan halkan ka cadaynayaa loolan xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka jira oo ay wasiiro ku tartamayaan inaanu jirin, xisbigu shirarkiisii wuu soo dhammaystay, guddoomiyaha xisbiga waxa ah Muuse Biixi, Maxamed Kaahina waa guddoomiye-xigeenka.” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay in wada shaqayn wanaagsani ka dhaxayso xisbiga KULMIYE iyo wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.

Warar maalmihii u dambeeyay soo baxayay ayaa sheegaya in guddoomiyaha xisbiga KULMIYE si hoose loogu magacaabi doono Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka madaxtooyada, ka dib markii uu xisbiga Waddani dhawaan guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbigaas u magacaabay xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...