Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Muddane Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa uu ka jawaabey Eedeymo uga yimid wasiirka warfaafinta Somaliland Muddane Cismaan Saxardiid Cadaani .

Hogaamiye Xirsi ayaa waxaa uu sheegay in aanu isagu sheegan wadada Ceerigaabo balse uu yahay shaqsigii uu madaxweynuhu u igmadey ee isagu fuliyey hadii uu muran galiyeyna ay bulshada iskula tagi doonan waxii Ceerigaabo ka soo raacana uu arki doono waxaana uu yidhi

” Cadaani waa wasiirka warfaafinta ee wax uu ku faano ha sameeyo , wasiir waliba wasaaradu joogo wax uu ku faano ha fuliyo , Madaxweynuhu Libteeda ayuu Leeyahay wasiirkii fuliyeyna libteeda wuu la leeyahay .

Aniga oo madaxweynaha aan ka dafireen in uu himaladan lahaa aniguna kii fuliyey ayaan ahaa , hadii uu dafiro Cadaani bulshada ayaanu iskula tagi doonaa oo waa waxa ceerigaabo ka soo raaca ” ayuu yidhi hogaamiyaha xisbiga Waddani Muddane Xirsi Cali Xaaji Xassan.

Comments

comments