Wasiir Caddaani Oo Kulamo Shaki Badan Dhaliyey La Yeeshay Xubno Uruuriya Qaadhaanka WADDANI Iyo Sir ka Shiftay Qorshaha Damaciisu Yahay
Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa dadaal ugu jira sidii uu u bixin lahaa qaadhaan xad dhaaf ah ka dib markii uu shirar doceedyo uu la yeeshayxubno uruuriya qaadhaanka xisbiga waddani iyo Musdanbeedka xisbiga Waddani laysku af gartay in uu si dadban ula shaqeeyo xisbiga.
Wasiir Caddaani ayaa labadii maal mood ee la soo dhaafay u kala dab qaadeeyey hotelada magaalada Hargeysa oo uu shirar kula lahaa xubno qayb ka ah Musdanbeedka waxaaana uu kulankaasi ugu walo maray in uu si hoose u bixin doono qaadhaanka xisbiga Waddani isla markaana uu si daacad ah ula shaqayn doono.
Dhinaca Kale Wasiir Caddaani ayaa balan qaaday in uu telefishanka qaranka si dadban uga baahin doono Barnaamijyada iyo wararka ku saab san xisbiga Waddani isaga oo adeegsanaya koox uu naas nuujiyo
Wasiir Caddaani ayaa laabta ku haya in ay qaadi doonto seefta Madaxweynuhu oo la sheegay in uu dhawaan kala shaan dhayndoono xubnaha golaha wasiirada taasi oo uu safka hore kaga jiro Mr. Caddaani waxaana arintaasi sababtay in uu miciin bido xod xodashada xisbigaWaddani oo ku taageero qaab beel ahaan.
Xogaha aanu helayno ayaa sheegaya in wasiir Caddaani isla maanta uu ku war galiyey Wariyayaal ay hayb wadaag yihiin in ay sii daayaan wararka iyo barnaamijyada xisbiga Waddani la xidhiidha iyaga oo raacaya tab xeeladaysan waxaana xukuumadda Somaliland moogantay laba gardaaqnimada wasiir cadaanigii qasrigu dalacsiiyey oo abaalkoodii ku sooray hadimo iyo dhitooyin dabin ah oo ku jalaafaynayo xukuumada isagoona dhawaan ku fashilmay inuu shacbiga Somaliland usoo bandhigo madal madaxweyne siilanayo uu qurbajoogta Somaliland uu qudbad taariikhiya uga jeediyey.