Pep Guardiola ayaa si daacad ah uga hadlay guuldaradii cusleyd ee 4-0 ee ka soo gaartay kooxdiisa hore ee Barcelona kulankii xalayto ka dhacay Camp Nou.
Markii la weydiiyay haddii natiijada ay ka tarjumeysay qaabka ay ciyaarat u socotay guud ahaan, Pep Gaurdiola ayaa ka yara gaabsaday inuu ku raaco fekerkaas.
“Waa sida ay tahay. Waxaan isku daynay inaan ciyaarno kubad heer sarre ah. Waxaan helnay fursad. Ma garaaci kartid Barcelona ilaa iyo aad gool ka dhaliso ma ahee. Waana wax sidaas u fudud.”
Labo qalad oo waa weyn oo ay sameeyeen ayaa sabab u ahaa guuldarada City marka Fernandinho ayaa ku dhex kufay xerada goolka taasoo u ogolaatay inuu Messi goolka furitaanka dhaliyo, tan labaad goolhaye Claudio Bravo ayaa casaan qaatay bilowgii qeybta labaad ka dib markii uu gacanta ku celiyay kubad uu ka dulqaaday Luis Suarez isagoo taagan banaanka xerada ganaaxa.
“Miyay qaladaadka shaqsiga ah inoo sababeen guuldarada? Fernandinho, Claudio Bravo. Haa, waa aaminsanahay inay sabab u ahaayeen, laakiin waa qeyb ciyaarta ka mid ah. Waa sida kubada cagta lagu yaqaano.”
Inkastoo uu ka xumaa islamarkaana uu la amakaagay sida fudud ee kooxdiisa loo kala dhantaalay, Pep Guardiola ayaa diiday inuu guuldarada 4-0 ku tilmaamo guuldaradii ugu xumeyd waayihiisa tababarenino.
“Guuldaradii ugu xumeyd waayaheyga tababarenimow waxa ay aheyd kulankii Bayern ay la ciyaartay Madrid, waxaana ugu wacnaa qaladaad aan ku sameeyay shaxda kooxda” ayuu yiri.
Guardiola ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii uu kursiga keydka ugu soo bilaabay Sergio Aguero isagoo sheegay inuu u baahnaa inuu xoojiyo khadkiisa dhexe. “Waxaan raadineynay xiddig dheeri ah oo khadka dhexe ah” ayuu yiri. Kevin de Bruyne ayaa booska sagaalka beenta ah ka ciyaarayay laakiin intii ay ciyaarta socotay dib ayuu u gurtay si uu khadka dhexe u caawiyo.
Markii la weydiiyay haddii uu ka filanayay xiddiga reer Argentina inuu halis u noqdo sidii xalayto oo kale waxa uu ku jawaabay: “Ma ahan markii ugu horeysay uu sameeyo wixii uu sameeyay caawa.”
Si kastaba, waxa uu weli niyadsami ku qabaa inay Man City u soo bixi doonto wareega 16ka ka dib si liidata oo ay koobka Champions League ku bilowdeen xilli ciyaareedkan. “Weli kulamo ayaa haray. Waxaan sheegay inaan u baahanahay inaan afar kulan badino si aan u soo baxno, waxaana weli inoo haray seddex kulan. Waan arki doonaa sida ay xaaladu noqoto.”