Waxa ay saxaafada dunida isla dhexmareysaa in kubada sameeyaha kooxda Arsenal ee Mesut Ozil uu diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa Arsenal iyadoo la sheegayo in sababta ay tahay inuu doonayo lacag ka badan tan ay kooxda ula soo bandhigeyso.
Laakin Shabakada ciyaaraha caalamiga ah ee Goal.com ayaa Saakay ogaatay in sheekada ayaan ka duwan tahay waxa lagu qoray saxaafada ingiriiska waxayna sheegeysaa inuu Ozil doonayo xaqiijinta mustaqbalka macalinka kooxdaasi ee Arsene Wenger.
Qandaraaska macalinka kooxdaasi ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareedkaan waxaana la og yahay in kooxda ay qandaraas cusub u soo bandhigtay kooxda laakin Wenger ayaa ka fiirsanaya inuu heshiiskaas saxiixo iyo inkale isagoo doonaya inuu ciyaaraha ka fariisto marka uu kooxdaani Koob weyn u qaado.
Ozil ayaa xalay yiri ” Arinta lacag ma aha, waan Saxiixi doonaa qandaraaska cusub laakin waxyaabo kale ayaa jira oo meek fiican maraya”.
Markii Wenger la weydiyay hadalka Ozil ayuu isna yiri ” Waan ogahay waxa uu ula jeedo laakin waan arki doonaa sida aan ku xalin karno”.
Hadalka Ozil ayaa ah mid cad isagoona u sheegay maamulka kooxda “Haduu Wenger tago Ana waan tagayaa, haduu joogana waan joogayaa”.