“Anigu nin wasiir ku qanacsan maan ahayne Dariiqii aan u marayey uunbay ahayd, waxa aan islahaa oo aan meesha u imi inaan dalkan hoggaamiyo, inaan madax ka noqda oo aan madaxweynaheeda noqdo”…….”Ex. Wasiir Maxamed Biixi.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Md.Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shaaciyey in xilkii wasiirnimo ee uu hore uga hayey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo uu uga dan lahaa oo kali ah sidii uu uga dhigan lahaa sallaan uu kusoo fuulo siyaasadda Somaliland.

Ex. Wasiir Maxamed Biixi oo u warramay HCTV, ayaa waxa uu tilmaamay in hankiisu ahaa sidii uu dalka u hoggaamin lahaa horumar,“Anigu nin wasiir ku qanacsan maan ahayn, khibrad ballaadhan baan leeyahay, waxana aan islahaa oo aan meesha u imi inaan dalkan hoggaamiyo, inaan madax ka noqda oo aan madaxweynaheeda noqdo, inaan umaddan horumar iyo dhaqaale cilmigayga iyo aqoontayda iyo xidhiidhadayada caalamka ee aan leeyahay taan u imi ee aan shaqada ku aqbalay waxa ay ahayd in haddii ilaahay ila qabto oo  khayrna iigu jiro inaan shaqo taas ka sarraysa qabto oo dariiqii aan u marayey uunbay ahayd, himiladayduna marna may ahayn inaan wasiirnimo ku qanco.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Maxamed Biixi waxa uu sidoo kale ka hadlay xidhiidhka xilligan ee Somaliland iyo Beesha caalamka waxana uu dhaliilay dhawaaqyadii dhawaan Somaliland ka dhacay ee lagaga soo horjeeday cadaadiskii beesha caalamka ee isa saaridda labada doorasho, waxana uu yidhi,“inaynu beesha caalamka dagaal ku qaadnaa wax inaga inoo wanaagsan ma ah, mudaharaadadii halkan laga sameeyeyna way ina wiiqeen oo dhibaatay inoo geysteen oo looma baahnayn, asxaab baynu u baahanay, imikana sanduuqa SDF-ta beesha caalamkaa lacagtiisa bixisa.”

Ex. Wasiir Biixi, ayaa muddo badan lasoo shaqeeyey beesha caalamka, waxana ay saaxiib dhaw ahaayeen madaxweyne Siilaanyo, balse waxa uu hormood ka ahaa iskudayo aan la mahadin oo xubno wasiirro ahi sanad ka hor xukuumadda kaga dareereen.