Qoorweynta Habar jeclo Ee Cariga ingiriiska ayaa kulamo lingaxa loogu adkeynayo Xisbiga KULMIYE La qaatey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ahna Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waxaaney kulamadani dama socdeen xafladdo loogu mushxaradayo Muuse Biixi Cabdi Laguna Taageerayo. Kulamadan Ay Qoorweynta Habarjeclo La qaadatay Murashax Muuse Biixi Cabdi ayaa Loogu Muujiyey Taageero Sal balaadhan Oo ay Beeshu U Hayso Waxaaney Ugu Bushaareeyeen Inay Hiil Iyo Hooba La Garabtaagan Yihiin iyagoona Guddoomiyaha U sheegay In Beeshani Ku Abtirsato Xisbiga KUMIYE.
Ku dhawaad 100 Nin Oo Ah Nusdambeedka Beesha Habar jeclo Oo Beelweyntu U Igmatay La Kulanka Musharax Muuse Biixi ayaa daaranaa Sidii Gacanta Looga Galin Lahaa Go,aan Weynaha Beesha Oo Talo Mideysan Lagu Gaadhay Sidii Loo Xoojin Lahaa Jeegaantii Kulmiye Hilinka Iyo Hogaanka Dalka Ku Haneedey. Ilo Looga Qaateena Oo Diiradda Ku Hayey Dhaq-dhaqaaqa Kulankan Ayaa Wageyska SAHAN U Xaqiijiyey Ajandihii Kulanku daaranaa waxaaney carabaabeen in Sidii Lingaxa loogu adkayn lahaa Taariikhdii Iyo Wadadii Madaxweyne SIILAANYO Jeexay loo raaci lahaa ay beelweynta Habarjeclo isku raacdey kuna taageertay go,aankii madaxweyne siilaanyo ku cugtay In uu siyaasi uu jaro baray uu dhabihii Hilinka Horumarka Ee Uu Qaranka u Jeexay Laga Daba mari lahaa Cududoodana Laysugu Geyn lahaa In Muuse Biixi Cabdi Lagula Shaqeeyo Sidii Muuse Hogaanka dalka Ugu Guuleysan laha.
Balse waxay ilo xogagaali intaa ku darayaan in ay Nusdambeedka beelweynta habar jeclo madasha shirka soo dhigtay qodobo badan oo ay kula xisaabtamayso Murashaxa Xisbiga KULMIYE Waxaana la sheegay in Qodobadaasi Ay ka Mid a haayeen In Muuse Biixi Wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Waxaana loo balamay Kulankan Mid xiga oo Loo Xilsaaray 19 Xubnood Oo Ka Mid Ah Nusdambeedka Beelweynta Habarjeclo Si ay Usoo Shirabaan Xafladweyn Oo 15 Bisha ka dhacaysa Dalka Ingiriiska Oo Lagu Xoojinayo Taageero Mug iyo Miisan Leh Oo Cududa Beesha Bariga Burco Ku Muujineyso Taageradooda. Xafladdo lagu fooladeynayo Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga KULMIYE Ayaa Is Qoorsatay Wadanka Ingiriiska Taas Oo Oofwareen Ku Noqotay Siyaasiyiin Iyo Xisbiyo Quud-dareynayey Inay Codka Helaan Ardaaga Bariga BURCO.