RIKOOR: Christian Benteke Oo Jabiyay Rikoorka Goolkii Ugu Dhakhsiyaha Badnaa Koobka Adduunka Xalayto.

Date:

Geesiga seddexleyda dhaliyay Christian Benteke ayaa sidoo kale jabiyay rikoorka goolka ugu dhakhsiyaha badan abid isreebreebka Koobka Adduunka isagoo TODOBO ilbiriqsi gool ku dhaliyay kulankii ay Belgium ay 6-0 kaga badisay Gibraltar.

Rikoorka Benteke ayaa waxa uu la wareegayaa kan isreebreebka iyo weliba ciyaaraha kama danbeysta ee Koobka Adduunka.

Weeraryahanka Crystal Palace ayaa dhexda ka helay baas islamarkii ciyaarta la bilaabay, waxaana uu kubada dabamariyay goolhayaha Gibraltar Deren Ibrahim.

Benteke ayaa goolashiisa kale kala dhaliyay daqiiqadihii 43aad iyo 56aad, iyadoo Axel Witsel, Dries Martens iyo xiddiga Chelsea Eden Hazard ay goolasha kale ku dareen.

Rikoorka uu Benteke dhigay xalayto waxaa hore u hayay xiddigii San Marino David Gualtieri kaasoo kaliya sideed ilbiriqsi gool kaga dhaliyay England kulan isreebreebka Koobka Adduunka ahaa oo dhacay 1993.

Goolka uu rikoorka ku dhigay Benteke waxa uu sidoo kale ahaa goolkii ugu horeysay ee uu u dhaliyo Belgium tan iyo bishii March 2015, waana 562 maalmood ka hor.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...