John Terry Oo Si Kulul U Daafacay Kabtanka Cadaadiska Badan Saaran Yahay Ee Xulka England Wayne Rooney

Date:

Waxaa isi soo taraya eedeynta macno la’aanta lagu tilmamay ee ay qaar kamid ah saxaafada ingiriiska u soo jeedniyaan kabtanka xulka ingiriiska ee Rooney taasoo noqotay mid siyaabo kala duwan sameysay xulka qaranka sadexda libaax iyo halyeeyadoodii soo maray.

Wargeysyada in Rooney oo ay ku tilmaameen iney ka daba timid sidoo kalena uusan xulkooda guulo gaarsiin inkastoo la og yahay inuu yahay xidiga taariikhdooda ugu goolasha badan.

Hadaba kabtankii hore ee England ahna hogaamiyaha waaya araga ah ee Chelsea John Terry ayaa si kulul uga hadlay eedeynta loo soo jeedinayo Rooney wuxuuna bartiisa Instagram ku soo qoray hadal dheer oo ka bilbaabanayay “Waye Rooney waa gooldhaliyaha England ugu sareeya taariikhda kubadeena, wuxuu dhawaan noqonayaa xidiga noogu safashada dhamaan tayadii uu soo saaray xulkeena weyn, mid kamid ah ciyaartooydii aadka ugu fiicnaa ee aan nasiibka u yeeshay inaan ka garab ciyaaro waayaheyga nololeed waliba si farxad leh, ninka siiyay wax waliba,”.

“Xaqiiqatan halyeey ka ah Everton, Man United, England iyo dunida kubada cagta”.

“Waa inaan dhamaanteen tusnaa xushmad badan ninkaan weyn iyo ciyaariyahankaan weyn”

“Aan dhamaanteen is garab taagno Wayne iyo England kulanka Beri (Maanta)” ayuu yiri kabtan John Terry oo xusiisay jamaahiirta iyo saxaafada England in Rooney uu xulkiisa u qabtay wax aysan u sameyn xidigihii kale ee waa weynaa ee soo maray ee ay kamidka ahaayeen Steven Gerard, Paul Scholes, Alan Sheraer, Frank Lampard iyo Michael Owen.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...